Barashada Khasaarataay Geedkaa ha ba'o.

Mohamed Ali                                                                                                                                               Khamiis 02 Jul 2009                                                                               

Website uu leeyhay nin la yiraahdo Dr Axmed Xuseen Ciise oo xoghayaha dibadda u ahaan jirey xisbiga Kulmiye balse laga caydhiyey ka hor shirweynihii xisbiga. ayaa wuxuu soo qoray hadal aan aad ugu qosalay. hadalkaas oo uu kaga hadlayey shirkii xogwaranka ee Congreska Maraykanku u qabtay, Dawladda federaalka, Puntland iyo Somaliland. balse ay Somaliland qaaddacaday.
 
Axmed oo Dr Sheegtay dabcan wuu yahay ayaa wuxuu yidhi "nin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa hadal hoos u siiyey wargeyskayga Waaheen'. ninkaasi wuxuu noo sheegay buu yidhi in aan Xukuumadda Maraykanku la kulmin madaxweynaha Puntland. Xukuumadda Maraykankuna aanay wax shaqo ah ku lahayn imaatinka madaxweyne Faroole, wax casumaad ahna aanay u fidin balse ay ahayd arrin uu watay Guddoomiyaha guddi afrika  ee Congresska Donald Payne.
 
Bal eeg ninkaas aqoonyahanka sheegaty waxa uu innooku sheekaynayaa in  ruux Wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka ka tirsani  uu isga u soo basaasay. oo war u keeany. bal eegoo Dr Axmed Xuseen Ciise wuxuu haystaa Passport Maraykan ah, waxaana lagu dacweyn karaa hadalkaas been abuurka ah ee uu ka sameeyey wasaaradda arrimaha dibadda.  waa yaabe Axmed yuu la hadlayaa ma carruur, ma dad waalan.,u daa in uu la hadlayo dad Mirqaansan.
 
Haddaba axmed intaas kumuu ekaane wuxuu leeyahay Puntland ayaa laaluush ku bixisa in kabadan $10,000 bil kasta si ay Xidhiidhh ula yeelato Maraykanka. Axmed wuxuu yidhi Puntland waxay kireysatay shirkad Maraykan ah oo la yiudhaahdo Duane Morris.  Shirkaddaas ayaa laaluush siisa Madaxda Maraykanka si ay u abuurto xidhiidh dhex mara Puntland iyo Maraykanak.  
Bal weligii waxaas oo kale ma maqasheen mase la idiinka sheekeeyey.
Waxaa laga yaabaa in aad rumaysan weydo waxa aan sheegayo oo ayba kugu adkaato in aad rumaysato in uu waxaas sheegay nin Dr ah oo weliba u ololeeyey in uu u tartamo hoggaaminta xisbiga ugu dhow in uu ku guuleysto doorashada Sebtember ee Somnaliland. Dabcan Hogaamiyaha Xisbiga ayaa noqonaya Madaxweynaha Somaliland. 
Axmed ayaa ku andacooday in uu uga xaqbadan yahahay Guddoomiye Axmed siilaanyo Haoggaanka xisbiga isagoo ku andacoonaya in uu siyaasadda Maanta uu ka dhacsanayahay Axmed Maxamuud Siilaanyo oo isgu kaga habboonyahay la jaanqaadka Siyaasadda Maanta ee casriga ah.  Ilma adeeri waa in istaqaanne Axmed meel fadhiiso ayaa la yidhi xibigiina waaba laga caydhiyey,haatanna wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Udub
Haddaba ma taasaa Siyaasadda uu axmed ku andacoonayey. 
 
akhri waxaa Axmed qoray    http://waaheen.com/?p=2202
 
Mohamed Ali

 

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter