Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad Fara-badan>>>>

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)                                                                                                                          Email: adde053@hotmail.com                                                                                                                           Kuala Lumpur Malaysia.                                                                                                                                               Jimco 03 Jul 2009                                                                               

1-Su’aal Sheeg Nebi Khadar Cs Magaciisa saxda ah?
 

1-Jawab: Waxaa weeye Balyaa Ibnu Malkaan.
 

2-Su’aal Sheeg sababtii Cusmaan Bin Cafaan loogu bixiyey laba nuur-le (Dii Nuureyn)?
 

2-Jawab: Maxa yelay wuxu qabay Laba Gabdhood oo uu dhalay Nebi Muxammed (NNKH).
3-Su’aal Sheeg labadii Gabdhood ee uu dhalay Rasuulka (NNKH) ee uu qabay
Cusmaan Rc?
3-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Rukhiya Bintu Muxammed Rc, 2- Ummu Kaltuun Bin Muxammed Rc.
4-Su’aal Sheeg Magaca Malaga Buurta Afuufa?
4-Jawab: Waa Israafiil Cs.
5-Su’aal Sheeg Magaca Geedka ka baxaya Jahanama bartankeeda?
5-Jawab: Waxaa weeye Saquum.
6-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabigii la-oran jiray Saciid Al-khudriyi?
6-Jawab: Waxa la-oran jiray Sacad Binu Maalik Binu Sinan Rc.
7-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) yiri waxaa dileysa Koox Xad-gudubtay?
7-Jawab: Waxa weeye Camaar Binu Yassir Rc.
8-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sheekh Xasan Barsane?
8-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii 1853-dii.
9-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane magaciisa oo seddexan?
9-Jawab: Waa Sheekh Xasan Nuur Sheekh Axmed.
10-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Imisa sano ayu la-dagalamaayey Gumeystihii Talyaniga?
10-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey Mudo 30 sano ah.
11-Su’aal Sheeg xagee buu ku geeriyooday Sheekh Xasan Barsane?
11-Jawab: Wuxu ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Magallaadda Muqdisho.
12-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Sanadkii uu geeriyooday?
12-Jawab: Wuxu geeriyooday Sanadkii 1926-dii.
13-S u’aal Sheeg Meesha uu ku dhashay Sheekh Xasan Barsane?
13-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Barsane oo ka tirsan Gobolka SHabellada Dhexe.
14-Su’aal Sheeg oraah-dii Xikamadda laheyd ee uu yiri General Maxamed Siyaad Barre Markii
laga saaray Magaalladda Muqdisho?
14-Jawab: Wuxu yiri Dal waan ka tagay Balse dad kama aanan tagin.
 

Akhristayaasheena qiimaha iyo qaayaha lahow, haddii aan dib idin xusuusino

Waxay kala ahaayen”

1-Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cabaas Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?

2-Su’aal Sheeg Aanis Bin Maalik Imisa Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH) ?

3-Su’aal Sheeg Sacad Bin Maalik Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?

4-Su’aal Sheeg Axmed Gurey imisa sano ayuu Xabasha la-dagaalamaayey?

5-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sayid Maxamed Cabdule Xasan ?

6-Su'aal Sheeg Maxaa la-oran jiray ninkii dilay Cali Bin Abii Daalib Rc?

Jawaabaha waxay kala yihiin”
 

1-Jawab: 1660 Axaadiis.

2-Jawab: 1286 Axaadiis.

3-Jawab: 1170 Axaadiis.

4-Jawab: 14 Sano.

5-Jawab: 1856-dii.

6-Jawab: C/raxman Bin Muljin.

Ugu danbeen waxaa u maahad celineynaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, Haddii aad dooneysaan  barnaamijkaan inaad ka qeyb-qaadataan, Si’aad u heshaan casharadii idin dhaafay , Waxaad kala soo xiriiri kartaan baashi053@hotmail.com Si’aad u heshaan dhamaan casharadii horey idin dhaafay. Anagana waxaa idin balan qaadeynaa inaad heshaan dhamaan casharadii horey idin dhaafay Insha’allah.

Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socda. Hal isbuuc ayaad heesataa shaqo wanaagsan. Adiga oo isticmaalaaya maskax dagen, maxaa yeelay su’aalaha aan idin weydiin doono. Waxay ku dhex jiraan casharadii aan horey u soo gud-binay.

1-Su'aal Sheeg Asxaabigii ay Malaa'iigta ka xishoon jirtay?

2-Su'aal Sheeg Asxaabigii dhimashadiisa darteed uu carshiga la gil gilshay?

3-Su'aal Sheeg markii uu Rasuulka (NNKH) Geeriyooday dad badan ayaa Diinta ka noqday dadkaas waxa lagu qaaday dagaal, hadaba sheeg dagaalkaas waxa uu la magac baxay?

4-Su'aal Sheeg ileyska imisa nooc ayuu u kala baxaa?

5-Su'aal Sheeg Shayga kaliya ee uu arko Indhoolaha?

6-Su'aal Sheeg Webiga Jubba Meesha uu ku dhamaado?

Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen

casharadii aan soo qaadanayJawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com

 

Waxaa idin soo diyaariyey

Xasan Cabdi Xersi(Xasan Cadde)

Email: adde053@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia.

 

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter