|
| ||||||||||
|
|
|
| ||||||||
|
Dadweyihii kasoo dhiibtay Fikradooda Astaanta Cusub ee Puntland yeelaneyso>>>> |
||||||||||
|
Talaado 30 Jun 2009 |
||||||||||
|
waxaan aad uga xunahay dadbadan oo soo gudbiyay fikirkooda inaan akhrin kari waynay qoraldaado, halka qaarkalena uuba noo furmi wayay attach-ka, marka saas ha ula socden qofkii iska waaya Liska. ilaa 01.07.09 qofkii iska waaya Liska wuu soo gudbin karaa fikradiisa hadii alle idmo.... Welcome to new proposal flag of Puntland. ............................................................................................................................................................................... ![]() ..............................................................................................................................................................................
Hambalyo Puntland: waa calan ka tarjumaya
deegaanka iyo kheeraadka dhulka Puntland.
1-Waa calan meel fog laga arki karo.
2-waa Calan la xasuusan karo.
3-waa calan caruurta ay sawiri karaan.
4- waa Calan aan midaba badnayn.
5- Midabada uu ka koobanyahay iyo xidigta
waxay ka tarjumayaan dhulka Puntland.
-Midabka Bluuga wuxuu u taagan yhay Baaxada
bada ay Puntland leedahay ama ku fadhido.
-Midabka Cadaanka wuxuu u taaganyahay nabada
ay dadka reer puntland ay Caanka ku yihiin.
Xidigta-dahabiga ah waxay u taagantahay
noocyada kala duwan ee Macdamaha Puntland Dhulkeeda Dhex Ceegaagan.
Waxaa soo alifay,sawirayna
Said Beercade
.......................................................................................................................................................................
Astaan deegaaneedka Puntland waxaa ay ka kooban tahay seddex astaan oo kale ah;- a) Xidig shan gaysley ah oo kutusinaysa shantii gobol ee ugu horeeyay asaaska maamulka Puntland. b) Dabqaadka oo isna kutusinaya halka uu ka soo jeedo magaca Puntland oo ah Beeyada, Maydiga, iyo Fooxa la shito intaas oo dhana waxaa lagu shitaa waa dabqaadka markii larabo caraftooda in la helo, haddaba sidaas ayaan ugu qaatay astaanta labaad ee dabqaadka. c) Astaanta sedexaad na waa silsiladaha buuraha ku teedsan inta badan deeganada Puntland. Lets read a specific detail of that new proposal flag of Puntland State .. Calanka Ku Haboonan kara Puntland State of Somalia Akhristow bal aan isla jaleecno talo soo jeedintaan hoose bal hadii ay noqon karto mid ku haboon iyo in kale. Talo soo jeedinta Calanka cusub ee ku haboonaan kara Puntland State of Somalia waxaa uu ka kooban yahay seddex muuqaal iyo seddex kalar oo kale duwan intaas oo dhanna waxaa ay ku tusinayaan macno ku saleesan deegaanada ku midoobay maamulkaas. Haddaba macnooyinka uu ku tusinayo calankaan waa sidaan soo socta; 1- Seddexda muuqaal ee calanka waxaa ay u taagan tahay baddka ay ku fadhiyaan deeganada Puntland oo ah seddex meelood ka hal baddka dhulka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay ku tusinaysaa oo kale tirada dadweynaha ku nool Soomaaliya oo ay ka yihiin Seddex meelood ka hal. 2- Macnaha kalarada A) Ka bilow kalarka hoose ee baluug ah (blue color) waxaa ay u taagan tahay sida deegaanada Puntland dadka ku nool ay horseedka ugu yihiin midnimadooda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed ee walaalahood ah, kalarka baluugaasna waa kalarkii hore ee calankii cawaale ee jamuuhuriyadda Federalka ee Soomaaliya. B) Kalarka cad (white color) waxaa ay u taagan tahay sida ay dadka reer Puntland ay horseedka ugu yihiin qiimaynta iyo qadarinta ay leedahay nabadda. C) Kalarka cagaarka (green color) waxaa ay u taagan tahay barwaaqada alle ku manaystay deegaanada Puntland oo kale ah dad iyo duunyo.
3- Ugu dambayn waxaa uu calankaan leeyahay seddex astaan oo isku ah hal astaan, si mid mid ah na kuutusinaya macno kusalaysan deegaanada Puntland. Astaanta hore waa xidig shan geesle ah oo u taagan shantii gobol ee ugu horeysay ee ku midooba maamulka Puntland marka laga reebo labada gobal ee gadaal ka yimid, xidigtaas waxaa ay ku dhex jirtaa gudaha dabqaadka fooxa lagu shito. Astaanta labaad waa dabqaad fooxa lagu shito oo u taagan beeyada, meediga amase foox oo runtii ah halka magaca puntland asal ahaan uu ka soo jeedo waana magac taariikhi ah, haddaba fooxaas amase beeyadaas waxa lagu shitaa oo lagu carfisadaa waa dabqaadka sidaas daraadeed waxaan magaca puntland astaan ugu soo qaatay waa dabqaadkaas lagu shito fooxa. Ugu dambayn astaanta ugu dambeysa ee sedexaad waa buuraha silsiladaha ah ee golis ee kuteedsan inta badan deeganada Puntland isla markaas na ay ku hoos jiraan barwaaqadii alle ku manaystay deegaanada Puntland. NB: Akhristow xaqbaad u leedahay inaad wixii taladaada ah aad soo jeediso wixii wax ka badal u baahan kara adigoo sheegaya halka aad jeclaan lahayd in wax laga badalo iyo sababaha aad ku dooratay in wax lagu kor dhiyo amase laga dhimo (by suggest editing on it), laakiinse xaq uma lihid inaad koobi gareesato astaanta logo-da calankaan amase qaabadiisa guud. Mahadsanidiin. Waxaa figrada calankaan ku saxiixan Muhyadin Abdullahi Farah (Xaange) Columbus- Ohio USA ................................................................................................................................................................... C/nasir Bismi laahi raxmaani raxiim Asalamau caleykum waraxmatu laahi wabaraakatu.... walaalyaa hadan fikirkeyga dhibto runtii waa wax aad u wanagsan in Puntland yeelato astan iyo calan u gar ah oo lagu garto Gobolada Puntland, sidaas daraaded warbadan maqabo waxaan soo jeedin lahaa calanka midabada badan ee geedka dhexda ku leh, wabilaahi toowfiiq ..................................................................................................................................................................... بسم الله الرحمن الرحيم Aasalamu caleykum warxmatu laahi wabarkaato . SALAAN KADIB WAXAN HALKAAN KA SOO JEEDINAYA ANIGA OO AH ,Mr warsame,rayigeyga ku saabsan calan wadanaka ama reer puntland ,, marka hore dhamaan waxan halkan ka salaamaya kooxda ama shaqaalaha ,websetka ,aad iyo aad uleh qiimaha ,ee lamagac baxay ,,,allidamaale.com ,waxan u rajeynaya, khyer aduun iyo mid akhriba ,iyo hormar,, intaas kadibna walaal dhamaanteen waxan ognahay maanta inuu san jirin shacab aan calan laheen ,meel walba aad caalamka madhid waxey leeyihiin calan islaaan iyo waxii aan islaan aheen ba ,marka taas waxa laga fahmaya ino calanko yahay wax ah ,curfi ama isku aquunsi ka dhaxeeya dawlad iyo shacbkeeda ,maxadhacy calanaka hada laguma til maami karo .bidco ,lakiin waa waxa cusub oo ah curfi ,, marka hadii aan aniga rayigeyaga aan waxaba ku fadhin aan halkaan ka dhiibto ,waxan leeyahay ,maanta reer puntland waa shacab ,in loo sameeyo calan waa waxa aaad iyo aad u wanagasan .maxadhacy ,sida aan ogsuunahay manta waxa somaliya ka jira ,waa mid aan waxa rajo leh u muuqan ,sida hada ey siyaasadii somalia usku badashay sidii uu isu casilay ,madaxweynihii hore aa dalka .mudane cabdi lahi yusuf axamd .marak walal madama ey siyaasadii dalka ey isu badashay quurta in la iska jaro ,waxan u argaa iney san rajo laheen ,sidaas awgeed ayaan waxan leeyahy ,waa in dadka lakala sooca ,ninkii rabsho iyo dhibraba waa in laga saaro ninkii hormar iyo nabad iyo diin inuu ku dhaqo raba sidaas ayeen qaba aniga ,wana aniga hada sida aan u arko ,ee sdiee khyre ku jiro ilaah kalige baa la socda ,asaga ayana waxii qaybta ah cilmi uleh ,wabilaahi tofiiq
qore ,warsame dalka .saudi arebiya ,magalda ,barakeesan ee makkah almukarama ,
nb___________________________ calankas ayaan rashaxaya ,oo aniga ila qurux badan ,calan 1
................................................................................................................................................................... sweden ahlan wasahlan
aad ban idiin salamaya bahda allidamale.com bacda sallaan ,Hadii aan isku dayo
inaan fikradayda idiin so gudbiyo ku aadan calankeena Puntland ,waxaan talo soo
jeedin laha hadii aynu calan samaysanayno gaar u ah goboladeena taariikhdana
inoo gala anago state gaar ah ,inaanu Qaadano calankaa Geedka leh ee casaanka
cadaanka baluuga iyo madowga ,iyo xidigta ,ka kooban ,kan kaleete bisha iyo
xidigta wataa ,dee wakii somaliyeed calan gaar ah oo goboladeena katurjumayana
noqon kari mahayo,wa guud ahaan calankeeni gayiga somaliyeed, calankaa Geedka
leh, ba inagu haboon Geedkana siwaangsan in loo muujiyu ayaa raba sida calanka
lebanon ee quruxda badan ee geedku dhexda kagayaal, fikirkaas halaga faidaysto,
un, sidaa iyo fikrad wacan , ................................................................................................................................................................. Jama Hussein ASCWWW
.......................................................................................................................................................... suban Scw.wbr. Dhaman bahda webka Allidamaale wad salamantihin salan kadib
waxan raba inan ka qeyb qato dorashada 2 calane webkina aad kuso sawirten
tirahdena keba ku habon in laga dhigo astanta dowlada Puntland adinko eegaya
aragtida shacab weynaha rer Puntland, ........................................................................................................................................................... maxamed c/qaadir waad mahadsan tihiin aniga calankaan ayaa ilwanaagsan waayo calankii fikirkiisa aan lahayn hadaan nahay reer puntland yaanan uga tegin dadaan kaba fekeri karayn inay logo samaystaan marka kani aaduu uquruxbadan yahay,
Mahamoud
anigoo ah ardaydada wax ku baratada wadan uk magalada london magaca waa dr mahamoud waxan halkan uga mahad celin webka idamale & aqon yahanada ka soo shaqayay calanka cusub ee puntland runtii puntland waa dal & dad jira lakinse waxan mar walba ka mid nahay dalka somalia tariikhada geeska africa marki la firiyo puntland magac somalia waa ka fac wayn yahay runtii marka puntland state of somalia waxa run sax ah ama loo bahan yahay in la yesho calan, waxaan hadalkeyga ku soo gababayn waxan tagaresanahay calankan 3 qayb ah wayo waa calan aad & qurux badan wax yablo badan ayuuna turjuma
wad mahadsan tihin dr m. ..... Ahmed fikirkyaga oo kooban runtii labadu makala dhacaan anniguse
waxaan aad u door biddi lahaa bisha iyo xiddigta yaan qaatay ..waayo waxuu ka turjumayaa inaan soomaali ahay
aana ku faanayo,bishuna waxay ka tarjumaysaa inay soomaalinimadu noo bilatay oo
marwalaba noo cusubtahay, nahayna shacab islaama oo bisha ku xisaabtama.
Ismail A/C
Yasin As-Salaamu Calaykum Warraxmah, Kowda mar salaan iga gudoona
hadaad tihiin bahda allidamaale.com.
Mohamed Wacays Salaama Calaykum
Asha SALAAMUCALEYKUM WAXAAN SALAAMAYAA HOWL WADEENADA WEB KA WALAALE WAXAN KA MID AHEY DADWEYNAHA PUNTLAND JECELNA HORUMARKEENA HADII ANIGA MID DOORO LEY DHIHI LAHAA WAXAAN DOORAN LAHAA KAN UU MAAMUL KEENU KU MAGACAABANYAHEY OO KALARADA BADAN WAAYO AAD AYUU IILA QURUX BADAN YAHEY WAXAANA RABAA MUSTAQBALKA IN AAN CANBUUR KA TOSHO ISHA ALAAAH WANAA MAHADSANTAHIIN
Ahmed Osman Asalama alaykum,
axmed asc walaal aad baan idiin salaamay walalaha webka aalidamaale.com aniga waxaan ahay aqoonyahan puntland, asataan tan iyo calanka puntland aad baan oogu faraxay dhabtii waana u baahanahay calanka puntland in la helo aad baana oogu farxay,aniga waxaan oran lahaa aan qaadana midka<<<<<<midka casaanka,iyo cadaanka,madoowga,iyo buluuga geeska ku leh>maxaa yeelay midka kale wuxuu u egyahay calanka soomaaliya midkii la oran jiray marka laga reebo bisha uu geeska uu ku leeyahay,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, aniga midka kale ayaan u codaynaa,oo casaanka iyo cadaanka madooga ,buluuga geska ku leh, thanks alot aadbaan u mahadnasanti
Allidamaale.com |
||||||||||
|
Thanks For your Visiting |
|
|||||||||