Jaamacadda loogu jacel yahay dalka malaysia oo xalay lagu qabtay munaasabadda 1-da Luulyo (Daawo Sawirada)

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)                                                                                                                          Email: adde053@hotmail.com                                                                                                                           Kuala Lumpur Malaysia.                                                                                                                                               Arbaco 01 Jul 2009                                                                               

Waxaa magaaladda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia xalay lagu qabtay Munaasabadda 1-da luulyo.
Taasow lagu qabtay Jaamacadda looga jacel yahay Jaamacadaha ka jirada dalka Malaysia, laguna magacaabo UIA, Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasimay Ururka Ardayda Soomaaliyadeed ee dalka Malaysia, oo uu hormuud ka ahaa Godoomiyaha Ardayda Soomaaliyadeed Maxamed Cismaaciil Jimcaale (Maxamed Khadar), sidoo kale waxaa gacan weyn ka geystay Xawaladaha ka jira dalka Malaysia iyo Shirkadaha teleefanada oo kala ah, Dahab Shiil, Qaran Express, Mustaqbal, Amal, Olympic, iyo Keynan Phone.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara-badan, waxaana barnaamijkaan xiriirintiisa waday Wariye Cismaan Black,
Waxaa ka hadlay aqoon yahano kale duwan oo uu kamid ahaa Maxamuud beene Beene, oo aad looga helay qudbadii macaaneyd ee uu ka soo horjeediyey dadweynihii ka soo qeyb galay,
hadaladiisiina waxa kamid ahaa”

Waxan aad ugu faraxsanahay caawa oo ay Soomaaliweyn Munaasabadda 1-da Luulyo iskugu yimaadeyn, Jaamacadda UIA-da kana soo qeyb galeyn Arday aad u fara-badan Mus’uuliyiin kale. Wuxuu Maxamuud Beene Beene aad ugu nuux nuux-saday qofkii xun iyo qof wanaagsanba uu Soomaali yahay lagana maarmin, xitaa hadduu qof xun yahay in la-wanaajiyo, hadduu wanaagsan yahayna kaba sii fiican. Asagow soo qaatay dhawr xikmad,

Waxaa kalow Qubad macaan ka hor-jeediyey Dadweynihii ka soo qeyb galay Munaasabadaan 1-da Luulyo. Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyadeed Maxamed Khadar, hadaladiisiina waxaa kamid ahaa”

Waxaa u mahad-celineynaa dawladaha dariska aanu nahay ee Walaala-heyn Jabuuti iyo dawladda kale aanu daris nahay ee Kenya, wuxuu aad u amaanay wax-tarka dawladda Jabuuti ay Soomaaliweyn mar walbo la-garab taagan tahay.

Maxamed Khadar wuxuu kalow yiri” 1-da Luulyo waa Maalin aanu wada jacel nahay waa maalintii ay Soomaaliya Xurnimada qaadatay.

Intii ay socotay Munaasabada 1-da Luulyo waxaa qadka teleefanka munaasabadaan kaga qeyb qaatay

Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Maxamed Colow Barrow, kaasow ka qeyb qaadanaayey Munaasabad ka dhaceysay dalka Australia, hadaladiisiina waxaa kamid ahaa”

Alla Mahad leh waayo adingow Arday ah ayaa caawa Munaasabadaan soo agaasimay, aysan jirana

cid idinku taageereysay haddii ay ahaan laheyd dowlad ama cid kale.

Waxan aad ugu faraxsanahay Ardaydeyna oo caawa ka qeyb qaadaneysa Munaasabadaan kuna qabaneysa dalka Malaysia. ee waa idin duceynaayaa.

Wuxuu kalow sheegay qudhiisu inuu ka qeyb galay Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magalaaladda Melboune ee dalka Australia, taasow wax yar kahor meesha lagu soo gaba-gabeeyey.

Marti Sharaftii ka soo qeyb gashay waxaa laga xusi karaa 1-Caaqil Anwar Diini.

2-Dr Xasan Imaan, 3-Dr Cabdullahi, 4-Sheekh Cabdi-Wali Sheekh Axmed., 4-Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Mataan (Colow), 5-C/raxman muudey 6-Cismaciil Mayow.

Waxaa kalow ka dhex muuqda Maamulka Mac-hadka Rima. Sidoo kale waxaa aad uga dhex muuqday Madaxda shirkadda keynan Phone. Sida C/laahi Suldaan. Iyo C/fataax Keynaan.

Munaasabadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ruwaayad ka tarjumeysa dhibka Maanta Soomaaliya heysta, xaqiiqda waxay tahay ruwaayadii ay soo bandhigeyn Ururka Ardayda Soomaaliyadeed in aad loo-wada jecleystay, qof walba oo ka soo qeyb galayna uu xalay ogaaday Soomaaliya meesha uu dhibka ka heysto. Ma’ahan markii ugu horeysay munaasabad noocaan oo kale ah lagu qabtay Dalkaan,

Shalay duhurnimadii ayey aheyd markii mac-hadka Rima lagu qabtay Munaasabadaan mid lamid ah.

Taasow ay soo qaban qaabiyeen Maamulka iyo Shaqaalaha Mac-hadka Rima. iyo Arday Soomaaliyadeed oo aad u fara-badan.
 

 

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter