|
AWAY WIILKEYGII WADAAD XUMOW
|
Waxaa dadka qurbo joogga ah ee Soomaaliyeed fajiciso ku noqotay
ka dib markii wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah carruurta lagala soo cararay
xasuuqa arxan darro, dagaalada aan dhammaadka lahayn iyo mustaqbalka mugdiga ah
ee Soomaaliya maanta ka jira, in uu ka mid ahaa amase loo isticmaalay
ismiidaamintii lagu qaaday labada magaalo ee Boosaaso iyo Hargeysa.
Dhacdadaasi si gaar ahaaneed ayay ii taabatay aniga, ka dib markaan ogaaday in
wiilkaasi ahaa inankii ay dhashay Ina adeertay, illayn geeridu geel jire iyo
nimaadan aqoon ayay ku fiican tahaye.
Dhacdadaasi waxay murugadii qurba joogga, iyo tiiraanyadii eheladii marxuumkaasi
ku sii kordhisay dhibaato cusub oo soo wajahday dhallinta Soomaaliyeed ee
Qurbaha ku noolayd. Waxaa ciidamada amniga iyo sirdoonka ee wadamada US, UK,
Sweden iyo Canada billaabeen in ay ilgaar ah ku fiiriyaan dhaqdhaqaaqa dhallinta
Soomaaliyeed ee qurba ku dhaqan, iyo u kuurgalka barnaamijta Masaajidada iyo
dhaqdhaqaaqa dadka diinta fidiyaba. Arintaasi waxay sababtay in daruur tuhun ahi
ay harayso dhallin iyo culimo badan oo aan waxba galabsan. Nasiibdarro
mujrimiintii arrintaasi abaabulay ama taakuleeyay iskuna duba riday jariimadaasi
wali way dhuumanayaan oo gacanta laguma dhigin.
Waxa qofkasta oo dareen leh inuu iswaydiiyo oo jawaab waafi ah u helo mudan
su’aalaha ay ka mid yihiin:
- Yaa dhallintan ka dhaadhiciyay inay naftooda halaagaan oo burbur iyo geeri
aalad loo isticmaalo noqdaan?
- Yaa mukhalas iyo dillaal ka ahaa ama hagay oo hogaamiyay dhallintaasi min
Minneapolis illaa Muqdisho?
Waxa xaqiiqo markhaanti ma doonta ah in dad qaabilsan soo dabista, maskax ka
maydhista, taskiyada, ama fududaynta saadka iyo sahayda safar ee carruurtaasi ay
jireen welina jiraan. Waxaa kaloo hubaal ah in dad kale oo isku xidhka
dhallintaasi iyo Al Shabaab ka shaqeeyaa ay jiraan. Kuwaas oo qaar ka mid ahi ay
ku sugan yihiin dariiqyada la sii mariyo dhallintaas sida Nairobi ama Dubai.
Waayo waxaa mustaxiil ah in ilmo aan Soomaaliyaba ku dhalan ama isagoo carruur
ah ka soo tagay uu maro dariiqaas dheer, kuna biiro urur ama koox sir ah oo
ahdaaftooda, madaxdooda iyo xarumahoodaba aan la garanayn.
 |
|
Sawirkani waa marxuum Burhaan Hassan
|
Habada anigoo wali la hardamaya helista jawaab ku aadan su’aalahaasi,
filayayna in sirdoonka waddamada Soomaalida qurbaha deggeni ku dhaqan tahay ay
faallo ka bixin doonaan afraadda ama kooxda carruurtan ka daabulaysay aqalkii
waalidkood una horseedday geeri iyo halaag, gacantana u geliyay arxan laawayaal
adeegsada dhallaan iyo dhallin aan wali curan ama qaanba gaarin, ayaa waxaan
e-mail ka helay shakhsi aan asxaab nahay. E-mailkaasu wuxuu xambaarsanaa
sawirro maalmo ka hor laga soo qabtay safka hore ee dagaalka muqdisho.
Sawiradaasi waxay daliil markhaanti ma doonta ah u noqon karaan in ururka Al
Shabaab uu adeegsado, soo afduubo, dagaal geliyona carruur aan awood tacliineed,
garaad, iyo xoogba lahayn.
Intaas dhacdo oo kor ku xusan dabadeed weli waxaan naftayda kula jiray dood ah
tolow maqaal arrintan taabanaya ma qortaa? Maxaase faa’iido ama khasaaro ah oo
ka dhalan kara maqaalkaasi? Maxaad daliil ama burhaan ah ee aad ku salayn
doontaa qormadaas, waaba haddii aad go’aansatee?!!!!
Anigoo weli isla doodkii ku dhexjira oo aanan go’aan ka gaarin ayaa waxaa
dhacday labo arimood. Kuwaas oo ku taxaluqa qafaalka carruurta iyo Al Shabaab,
waana labadaasi dhacdo sababta igu qancisay soo bandhiga qormadan.
| 1. |
Anigoo safar ku jooga magaalo ka
baxsan deegaankayga , lana taagan nin adeer ii ah, maalintu tahay subaxnimo
Sabti ah ayaa talefoonkii adeerkay dhawaaqay, halow iyo halow ka dib sheeko
gaaban ayaa adeer iyo qofkii la soo hadlay dhexmartay. Markii uu dhigay
taleefoonkii ayuu iiga warramay qofka la soo hadlay iyo wixii ay
iswaydaarsadeen. Ninka soo hadlay wuxuu noqday ina adeerkay oo ku nool
Kismaayo.
Wuxuu adeerkay ku wargeliyay in wiil uu dhalay oo 14 sano jir ah galabta
aqalka hortiisa ay ka qafaasheen Al Shabaab. Ka dib markuu isku dayay inuu
la hadlo oo ku wargeliyo da’da wiilkana ay qoriga caaradiisa ku soo taageen
kuna wargeliyeen inuusan tallaabo horay u soo qaadin. Xog waraysi uu la
yeeshay dariskiisa iyo asxaab kale ka dib waxa uu ka warhelay in mucaskar (xero
tababar dagaal) oo ku taalla magaalada Kamsuuma lala aaday carruurtaas
tababar degdeg ah ka dibna loo daabuli doonno dagaalka Muqdhiso iyo
gobolada dhexe. |
| 2. |
Dhacdada labaad waa dilka Burhaan Xasan oo la
soo sheegay in lagu dilay Muqdisho, sida wararka qaar leeyihiina loo dilay
ka dib markuu isku dayay inuu aqalkiisii iyo eheladiisii dib ugu soo laabto. |
 |
Fadlan fiiri sawiradan: Ishu iyadaa macallin ah. Bal qiyaas
da’da carruurta. Haddii aad waalidkii dhalay carruurtan tahay ma yeeli lahayd in
ay ku halaagmaan dagaalada macno darro ee maanta muqdisho ka socda? Mase kula
tahay in waalidkii carruurtani ay raalli ka yihiin ama ahaayeen in ay dagaalka
safka hore ka galaan?
Fadlan halkan taabo si aad u daawato sawirro kale oo murugo leh oo badan oo lagu
soo daabacay mareegta
Boston.com ee wargeyska ka soo
baxa Boston Globe uu leeyahay.
Gabogabo:
Waxaa hubaal ah in ururka la baxay Al Shabaab iyo dhammaan
ururada kale iyo kuwa dowladda sheeganayaaba ay adeegsadaan carruur da’yar,
xuquuqdoodana meel uga dhacaan una horseedaan in ay soo afjaraan mustaqbalkooda
iyo noloshooda. Kuwaas oo iyaga oo aan waalidkood laga idan qaadan ay ku
halaagaan dagaalada maanta lagu sii hurinayo colaada aan dhammaadka lahayn.
Haddaba waxaa la gudboon in waalidkasta ama qurbo joog ha ahaado ama dalka hooyo
haku sugnaadee uu ilgaar ah ku fiiriyo carruurtiisa, socodkooda, cidda ay
raacaan, sidoo kale eegto haddii wax isbedel ah aad ku aragto, ilayn caruurta
aan qaangaarin masuuliyadeedu waxay saaran tahay waalidka dhalaye. Sidoo kale
waa in wacyi gelin ay sameeyaan dadka indheer garadka ah, culimada cilmiga u
saaxiibka ah, iyo ururada daryeelka bulshaduba.
 |
Waxa iswaydiin mudan haddii ragga dagaalka hurinayaa aaminsan
yihiin in waxa Soomaaliya ka socda maanta uu jihaad yahay oo janno lagu mudan
doono waxa ay iyagu ugu degdegi waayeen jannadaas. Maxay u adeegsanayaan oo isaga
hormarinayaan carruurta caamada ah. Sidoo kale nin kastoo hogaamiyaashaas ka
mid ahi carruur wuu dhalaye maxaa loo maqli waayay Ina Daahir Uweys, Ina Abu
Mansuur ama Ina Shariif oo isku qarxiyay miino ama ku dhintay dhagaalka.
Haddaad eegto siirada daahirka ah ee Nabigeennii suubanaa iyo saxaabadii
sharafta badnayd, waxaad arkaysaa in ay safka xaga hore kaga jireen. Waxaa kuu
muuqanaya in qaswo kasta ay Saxaabo caan ahayd ku geeriyootay. Haddaba haddii
dariiqii Suubane Nabi Maxamed ay ku taagan yihiin qoladani maxaa loo maqli
waayay hoggaamiye sare oo ku geeriyooday dagaalka sida hogaamiye Roobow, Aways,
Shariif, Turki iyo Godane.
Waxaan qabaa in dagaalkani yahay mid ku salaysan xukun jacayl, qabqab dhaafay,
dano shakhsiyadeed iyo qabiil. Sidaa awgeed Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu
caqliga ku soo celiyo Al Shabaab iyo Xisbul Islaam iyo kuwa dawladda
sheeganayaba. Dareensiiyo samaha iyo macaanka nabadda. Fahmaan waxa ay isku dul
dilayaan inay yihiin maato ay dilootay xabadi, waxa ay ku gumaadayaan dagaalkana
ee ay ugu yeereen ciidanna ay yihiin carruur aan wali curan, caqli iyo cilmi
fiicanna lahayn.
Wabilaahi Towfiiq,
waxaa idiin soo gudbiyey
abdirizak A.ali kaneec
diyaarintii
Faarax Aw Cismaan
E-mail:awosman@gmail.com
Xuquuqda Sawirada waxaa leh: (MOHAMED DAHIR/AFP/Getty
Images)
Allidamaale Your Reliable Sources DIB U NOQO |
|
|