|
| ||||||||||
|
|
|
| ||||||||
|
Xaflad balaadhan Oo Si heer Sarre ah Loosoo agaasimay Lugana xusayey Sannad Guuraddi 12aad ee Machadka Salahudiin>>>> |
||||||||||
|
abdirahmaan Mohamed koronto allidamaale.com-(xafiiska-Somalia-Garoowe) Khamiis 03 Jul 2009 |
||||||||||
|
Garoowe-(Allidamaale):- Galabta ayaa
Machadka Salahudiin ee luuqadaha iyo xisabaadka kuna yaal Magaalada Garoowe ee
Caasimada dowlad Goboleeka Puntland Waxa u xaflad ay ku Soo bandhigayeen
aradayda Machadkaasi Wax barashadooda laguna xusayey Sanad Guuraddi 12 aad ee
Machadkaasi ay ku qabteen xaruunta Gobolka ee Magaalada Garoowe ee
Caasimada Dowladda Puntland.
Xafkadaaan Oo ahayd mid Si heer Sarre ah Loosoo agaasimay Waxaa ay ka bilaabtay Galabta xaruunta Gobolka Saacadu Markay ahayd afarti Galabnimo xaflada ayaa Waxay ahayd mid heer sarre, Taas Oo ay ka Soo qayb galeen Masuuliyiin Farabadan Oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka beeraha iyo Waraabka, Gudoomiya ku xigeenka Gobolka nugaal, Maamulayaasha iskuulada Garoowe ee Caasimaada Puntland. Siddo kale Xafadaaan balaadhan Oo sidda heerka Sarre ah Loosoo agaasimay ayaa Waxaa ka soo qayb Galay araday aad u fara badan kana socday iskuulada Magaalda Garoowe iyo iskuulka luuqadaha iyo xisabaadka ee Salahudiin caankana ka ah Magaalda Gobolada Puntland. xafladaan balaadhan Siddo kale Waxaa lagu casumay Saxaafada Waxaana Soo qaban qaabiyey Masuuliyinta Machadka Salahudiin iyo araday Machadkaan, Sanadd kasta xiligaan Oo kale ayaa Waxaa Dhacda xafladaan noocan Oo kale ah laguna xusayo Sanad guurada iskuulkaan Oo ay ka So baxeen ubax badan, Kuwasoo dadkooda iyo dalkoodaba Wax u qabtay. Siddo kale sidii Galabta halkaan ka dhacdayba Waxaa sanad guuradaas barbar Socda Tartan Loo qabto ardayda Machadka laba fasal, Waxana kaloo bar bar socday uu ugu yaraan 16 Class Oo kala duwan Oo Dhowr Guruub u qaybsan, Waxana Tartankaan lagu heelaa Fasalada ku Guulaysta koob, kasoo la gudoonsiiyo qolada ay guushu raacdo. Waxaana ardaydu ku Soo bandhigaan aqoontooda iyo heerka wax barasho oo ay markaas joogan, tasoo aad u Farxad galineysa waalidiinta ardada iyo dhamaan kuwo markaas mustaqbilka awlaadooda u wada waxbarashada, sidoo kalena waxey hidi diilo galisaa ardada laftooda, ayagoo ka qaada labakacleyn dheeraad ah iyo sii dhereyn hor leh oo ay u yeelanayaan Waxbarashadooda. Xafladan ayaa Waxaa ka hadlay masuulyiin fara badan Sidda Gudoomiyaha ku xigeenka Gobolka nugaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha iyo waraabka puntland, Waxayna halkaas ka soo jeediyeen khudbado dhiiri gelin ah Oo ay ugu tala galeen in ay sii horu mariyaan ardadu waxbarashadoda. Waxa kaloo ka hadlay Maamulaha dugsiga sarre ee garoowe gabool fadumo shukri iyo maamulaha Machadka salahudiin axmed cabdulaahi yuusuf Oo iyana halkaasi ka Soo jeediyey hadallo faraxadi ku dheehan tahay Oo dadki iyo aradaydii halkasi joogtay Soo jiidanayey, Siddo kale Tartankaan ayaa Waxa lagu Soo bandhigay riwayaado ay Soo qaban qabiyeen ardayda iyo Fanaaninta Reer Garoowe Ee halkaasi joogay Waxana Farxad iyo Rayn rayn ka muuqatay aradaydii halkaasi joogay. Haddabba habenimadii Caawa ayaa Waxaa la soo afjaray xafladaas balaadhaan Laguna Soo Geba Gebeyey xaruunta Gobolka ee Magaalda Garoowe Ee Caasimada dowlad Goboleedka Puntland Waxaan ka muuqatay dadkii halkaasi ka si baxay farxad iyo Rayn Rayn sarre Oo ay ku sheekaysanayeen. Si kastaba ha ahaate xaflada Noocaan Oo kale ayaa Waxay ka dhacdaa Machadkaan Sanadkaasta iyadoo ay jirto xaflado kale Oo ay qabtaan aradayda kana dhaca iskuulkaas mararka qaar Sidoo kale iskuulada kala duwan ee Garoowe iyo puntland Waxay qabtaan kuwo noocaan Oo kale ah Si uu sii batto hanka ay ardaydu u qabto Waxbarashada, loona dhiiro galiyo waalidiinta.. Halakan ka daalaco Sawiradii kale..Giji
Allidamaale.com |
||||||||||
|
Thanks For your Visiting |
|
|||||||||