Dagaalkii Dufaanta aha iyo Madaaficdii bar bar socday oo saaka Aad u xoogeystay ayaa ka socanaya Degmada Kaaran ee Magaalada Moqdisho >>>>

Xafiiska Warqabadka                                                                                                                                    Shabakada Allidamaale                                                                                                                                        Muqdisho Edition
Jimco 03 Jul 2009
                                                                                                          

Moqdisho-(Allidamaale):- Dagaaladii labadii maal mood ee aynu soo dhaafnay kasocday Degmada Kaaran ee Magaalada Moqdisho oo saaka la isku waa baristay,kuwasoo ay feer socdaan adeegsiga Madaaficda haboowga ah ee an waxba hanbeyn.

Dagaalkan ayaa sida la ogayahay waxaa u u dhaxeeyaa Ururka Al-Xarakatul Al-Shabaab Al-Mujaahidiin iyo Xogaga ay gacansaarka ay  leeyihiin ee  Xisbul-Islaam,waxaan la isu adeegsanayaa waxkastoo oo ka mid ah nocyada hubka wax gumaada, mana jiraan haba yaraatee wax ka reeban hadey ahaan laheyd togashada Dadka rayidka ah, maxaabis la bireeyo, goobaha lagu cibaadeysto iyo masaajidada oo dhufeys laga dhigto, Mootarka iyo Altaleeriga oo lagu afuufto meeshii laga shakiyo  iyo xaafadaha Dadku dagan yihiin.

Lama oga Khasaraaha dhabta ah iyo dadka u galaafatay Dagaalaka saaka, balse waxaa  goobaha caafimaadka laga soo sheegayaa in shalay ilaa saaka lagaarsiiyay dad lagu qiyaasay 47-qofood oo dhaawac ah,isla markaasna ay geeridu caga cageeyneyso ugu yaraan 20-Qofood,sidoo kalena waxaa jira meydad ay soo arkeen dadka rayidka ah ee kasoo cararaya Gobah lagu dagaalamayo, kuwasoo soo sheegay ineey arken Meydad aad u fara badan oo daadsan jidadka iyo goobaha la isku farasaaray.     

Dagaalka wuu socdaa lamna ogaan karo cida ku gacansareysa xiligaan, hase ahaatee xalay ayaa lagu kala hoyday goobihii shalay lakala qabsaday kadib markii si weyn losoo riixay Ciidamada Dowlada lagana qabsaday goob markaa muhiim u ahaa Dowlada, kuwasoo ay ka mid yihiin Xaruntii kumeel gaarka aheyd ee Baarlamaanka kuna taalay xeradii Gadiidka Bileyska, Isgoyska Maana bolyo iyo goobo kale.

Goobihii shalay laka qabsaday Dhagesyo

 

 

wixii war ah ee kasoo kordha kala soco warbaahinta allidamaale.

 

Allidamaale.com
Your Reliable Sources                                                                                                   DIB U NOQO

Thanks For your Visiting

free counter