G/le sare --------------Ragii ma anigaa ka haray
G/le dhexe ------------Habar sadexan
G/le hoose ------------Hunguriyoos
Ganacsade sare -----Wabax indhoole
Ganacsade dhexe ---Shidane binsiin
Ganacsade hoose ---Basra cir weyn
Caaqil sare -----------iimaanoos
Caaqil dhexe --------ileyn ceeb looma dhinto
Caaqil hoose ---------Shinbirayohow heesa
Aw sare ---------------Balawbalow ina boodboode
Aw dhexe ------------Geel boobe
Aw hoose ------------Af madiil
Oday sare -----------Hablayohow hadmaad guursandoontaan
Oday dhexe ---------Xaaraama sidke
Oday hoose ---------Degan waale
Madaxa wafdiga, waa Dr xasan daahir aweys eh, oo khudbad dheer oo
miisaan leh, dadkana maskax-wareen ku riday jeediyey, ayaa wuxuu
hadalkiisii ku bilaabay bulaacad been-abuur ah oo uu ku bari-taarayey
beeshiisa, isagoo si mug weyn uga taariikheeyey burjigooda,
bowdo-qaawiskooda, burhaantooda iyo ilbaxnimadooda faca weyn ee uu
yiri xamar -weyney ka soo bilaabatay sagaashanaadkii. Waxa kale oo
Dr xasan si badheedh ah oo weliba qab qab dhaafay ka muuqato uga
sheekeeyey xeer jajabkooda, gole ka fuulkooda, la joojiyaa banaantooda
iyo dhaqan siyaasadoodkooda sumeysan isagoo ku qabjebinaayey, kuna
buruuj shiilaayey dhegeystayaashiisa qaayaha leh.
Dr xasan isagoo ka qash-dhacsan maamulka puntland ayuu iskaga moosay
cabashooyinkii degaanka xaga maamulkaas, oo uu yiri iyagaan dadka ku
haleynaayey wixii ka dameeyey 1992. Wuxuuna sheegay in hadda iyo wixii
ka dameeya uu tafaxaydan doono, dardar cusubna hawlaha gelin doono sida
booqashooyinkan isdaba jooga ah oo kale.
Waxa kale oo Dr xasan daahir sheegay inuu xafiis cusub ka furtay
magaalada Gaalkacayo oo ah muraayad dibada iyo gudahaba u wajahan.
Madaxa xafiiskan loo boqray ee la kufaa-dhicidoonaana waa Dr jinni
dagaagay oo wafdiga ka hari doona.
Dr xasan daahir oo ka faaloonayey kartida iyo waxqabadka Dr jinni
dagaagay wuxuu yiri waa nin aad loo jecelyahay, oo afgobaadsi badan,
arin kasta oo loola yimaadana samada ku laala si loo sii kala fogaado.
Gabgabadii shirkaDr xasan daahir si caradiisa, isfagaareysiintiisa
iyo goodigiisuba dadka ugu duxdaan wuu diiday in hadalka cidi uga
dameyso.
Dad tiro badan oo goob joog ahaa ayaa mar ay ka hadlaayeen
daacadnimada Dr xasan sheegay iney rooxaani ku soo degtay oo uu afka ka
xunbeynaayey, indhahana ilmo ka da`aysey kolkay wafdigu si talantaali ah
uqaadayeen heestii looga bartay ee Dr xasan daahir lagu amaani jirey
ee la magac baxday
bowdya weynow boor ma kaa karay .
Dad sardheysano saxal ku habsaday sibra- goyntood shiikha sahashaday
sareeyaa qaban.
Sabur-badaney siigo-sayrkani waa sarbeeb culus.
Seexan waayow sagaashanadii sifihii beri rag sameyn jirey kamey
saaqidin.
Sii-ordaayow saqiir-gawrici, sodoh-kufsigii, ceel-sabeyntii,
sadqeyn-odayadii kuuma sumadsana.
Salfudeedlow sirta culimadu kaa salweyn weli.
Sebi-weynow iska seexoo su`aalaha daa.
Safaf-badaney isa seegtaye maysa sidataa.
Sodoh-weynoo isa sixi karin yaa si naga dhaha.
Surka-dhiibtow Mindi saawira oo sun wadataan kuu sitaayoo kugu
saafiye ma siloontahay .
Sadqaysane weli raggii saamiga sarartaadiyo saabka feeraha looba
saanyaday ku saluugee sooryo gobanimo seebab weynuhu sariir birabuu
saacad ku cunaa ee si uun yeel.
Seef afweynahan sir qabiiloo diin ku suuq gadan sarifaayee saxara
cunka ah wuu sumoobiye yaanba suginee saancadaalaha surka soo jara.