ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Miyaa lagaraay xiligii loowada jeesanlahaa  ilaalinta danta guud ee kadhaxeeysa bulashadoo idil, qofkastana ay waajib ku tahay  in ay dhankeeda ka ilaaliso kana adkeyso dhinaceeda tiirarka horumarka.

Arbaco Jun 25 2008

Qoraayo kala duwan ayaa isku dayaay ineey  wax ka cabiran asalka dhibaatada umada Somaliyeed ku habsatay, qaar ka mid ahna waxeey isku dayeen iney sharaxaan asbaabah kenay burburka qarankii Somaliyeed.

Hadaba hadaan usoo noqdo dulucda qaraalkeeyga, marka koowaad wuxuu daboolka ka qaadaya inaan Somalia garasho iyo dhaqan toona u lahayn jiritaanka dano guud oo ka dhaxeeysa,qofkastana waajib ay ku tahay in ay dhankeeda ka ilaaliso kana adkeyso dhinaceeda tiirarka horumarka.

Waxaa cadaatay in qofka Somaliga ahi uusan dareen saneen mawaadinimo, aqoona nidaam loo wada hogaansamo, kuxad gudubkiisana keenayo danbi lagu ciqaabo.

Waxaa kaloo muqata inaan Shacabka Somaliyeed usan wali fahmin  dowladi wax ay tahay,maxaa yeelay hadii ayab haba yaraate wax’un ka fahmi lahayeen inta badan Shacabka Somaliyeed waxaa yaraan lahaa isku dhex yaaca siyaasadeed gudah iyo dibadaba,waxaana mesha ka bixi lahaa isku milanka danah guud iyo mida gaar ahaaneed oo ay keentay (ninkii xoog leh baa xabagta goosta)

Ugu danbeyntii waxaa muuqata kuwa dagaalda sokeeye ku halaajinaaya umada Somaliyeed gaar ahaan maatada aan waxba galabsan, iyagoo hadafkoodu yahay sideey ku gaari lahayeen muraayada siyaasada ee u rabo ninwalba inuu iska dhex arko.

Damir lawayashaas  halaajiyaay ubadkii Somaliyeed waxaa wajib ah in shacabka Somaliyeed layimaado biseeyel kuna fikiro siduu dhibka uga bixi lahaa fahmana wanaaga ay dowlad nimada leedahay, meel ugasoo wada jeestona sidii  la isaga qaban lahaa arxan lawashaas si lo bad baadiyo hambada kahartay umada Somaliyeed.

Qore Hassan

Nabbadon@hotmail.com

 

Fikirka Qoraagu Kama turjimayo Siyaasada Allidamaale.com

Allidamaale@hotmail.com


Xafiiska Wararka USA

Allidamaale.com