Qoraayo kala duwan ayaa isku dayaay ineey wax ka cabiran asalka
dhibaatada umada Somaliyeed ku habsatay, qaar ka mid ahna waxeey isku
dayeen iney sharaxaan asbaabah kenay burburka qarankii Somaliyeed.
Hadaba hadaan usoo noqdo dulucda qaraalkeeyga, marka koowaad wuxuu
daboolka ka qaadaya inaan Somalia garasho iyo dhaqan toona u lahayn
jiritaanka dano guud oo ka dhaxeeysa,qofkastana waajib ay ku tahay in ay
dhankeeda ka ilaaliso kana adkeyso dhinaceeda tiirarka horumarka.
Waxaa
cadaatay in qofka Somaliga ahi uusan dareen saneen mawaadinimo, aqoona
nidaam loo wada hogaansamo, kuxad gudubkiisana keenayo danbi lagu
ciqaabo.
Waxaa
kaloo muqata inaan Shacabka Somaliyeed usan wali fahmin dowladi wax ay
tahay,maxaa yeelay hadii ayab haba yaraate wax’un ka fahmi lahayeen inta
badan Shacabka Somaliyeed waxaa yaraan lahaa isku dhex yaaca siyaasadeed
gudah iyo dibadaba,waxaana mesha ka bixi lahaa isku milanka danah guud
iyo mida gaar ahaaneed oo ay keentay (ninkii xoog leh baa xabagta goosta)
Ugu
danbeyntii waxaa muuqata kuwa dagaalda sokeeye ku halaajinaaya umada
Somaliyeed gaar ahaan maatada aan waxba galabsan, iyagoo hadafkoodu
yahay sideey ku gaari lahayeen muraayada siyaasada ee u rabo ninwalba
inuu iska dhex arko.
Damir
lawayashaas halaajiyaay ubadkii Somaliyeed waxaa wajib ah in shacabka
Somaliyeed layimaado biseeyel kuna fikiro siduu dhibka uga bixi lahaa
fahmana wanaaga ay dowlad nimada leedahay, meel ugasoo wada jeestona
sidii la isaga qaban lahaa arxan lawashaas si lo bad baadiyo hambada
kahartay umada Somaliyeed.