Hadaba sida aan wada ogsoonahay ayaa waxaa markaliya la magacaabey nuur
cade oo markas aan ka dhex muuqan masraxa siyaasada somali, xiligii la
magacaabay ayaa waxaa dadku saadaalinayeen ama hadal hayeen ineey
kalintaas buxun doonaan rag kale sida gacmadheere oo ah nin mabda ahaan
aaminsan in somalia ay markaliya cagaheeda isku taagto lagana baxo
fawdada iyo dowlada la’aanta.
Hadaba sifao kasta haku yimaade markii la magacaabey Raisulwasaare Nuur
Cadde ayuu tilaabadi ugu horeysay kaga hor yimid Madaxweynihii
Magacaabay cabdulahi yususf isaga oo ka lahaa macnayaal badan.
Tusaale ahaan waxuu Dowladiisi kusoo daray rag aan karti iyo aqoon
ulaheen xal u helida Mashaakilka Somalia. Isagoona fogeeyay ragii ay
cabdulaahi isku mabdaa ahaayeen , kalin ficana kasoo qaatay xasilintii
Magaalada Moqdisho, kuwaaso lagu xasuusto xiligii ay Dowlada Timid
Magaalada Moqdisho iyo dhibaatoyinkii horyaalay.
Nuur
Cadde wuxuu layimid koox cusub, Isgoona magacaabey ay ka mid yihiin
wasiirka isboortiga abdisalaan iyo kan arimaha gudaha oo ay intaba isku
siyaasad yihiin,taaso fajiciso ku noqotay Dadka Siyaasada indha indheeya.
Nuur
waxaa uu la yimid siyaasad ka dhan ah dawlada federaalka somalia, taaso
daliil u ah markii uu yiri waxaan la hadleynaa cidwalba oo ka soo
horjeeda dawlada,ayadoo ay wanaagsantahay qaabka looyri ayaa hadana
waxaa muuqatay inuu kalahaa macneyaal kale, taaso aheeyd khilaaf doon.
Tan
iyo intii uu ahaa raisulwasaaraha waxa kaliya oo uu qabtay ayaa la
orankaraa waxaa ay ahayd hadalka ah anagu qofwalba waan la hadleynaa oo
macnaheedu ahaa marka cabdulaahi yiraahdo alshabaab iyo arggixiso la
hadli mayno in uu isna yiraahdo wax ku lidi ah taas.
Dadbadan ayaa qaba in uu si toos ah ula talin jiray cabdi qaasin oo
hadafkiisu ahaa in marna aan la helin dawlad Somaliyeed, maadaama isaga
tiisi uu xamar dhaafsiin waayey oo xitaa ina adeerkiis darmaan kudiiday
asgoo yiri anigaba madaxweynaan ahay.
Waxaan shaki ku jirin in ay dawladu dooratay nin aan marna ku hadaf
ahayn oo doonaya in uu meesha ka saaro wax alle iyo waxa hada jira,
waxaana uu iska dhaadhiciyey dawlada waaa ku ceeb maadaama ay is qabteen
raisulwasaarihii hore sidaas awgeed adigu wax walba oo aad sameyso
laguguma soo dagdegayo.
Waxaad moodaa mararka qaar in raisulwasaaraha laga hago raadiyo hoon
afrik taas macnaheeda waxaan ula jeeda warar badan oo aan ka maqalnay
honafrik ayaa rumoobey.
Tusaale mudo dhan ayaa waxaa radiyaha laga sheegayaay in xilka laga
qaadayaa maxamed dheere, cabdi qaybdiid,darwiish iyo kuwo kale oo sida
aan wada ognahay ay kuligood yihiin lafdhabarkii dowlada.
Xaalka nuur cade waa cadyahay,inkastoo mudo dheer la hadal hayaay inuu
jeebka ku sito lis u rabo in u dhidibaha ugu siibo tiirarka dowlada ku
taagantahay, hadana manta waxaa mooda ineey dadbadani ku baraarugen
qoraxda soo baxday, ayadoo Maxamed dheere mar wax laga weydiyaay
siyaasda Nuur Cadde ee ku adan dib u heshiisinta uu ku jawaabay Niinkii
waasha waalaga war suga, taaso dadku intiisa badan aysan fahmin, balse
manta u cadaatay.
Maxay qabatey dowlada nuur cade.
waxaa la orankaraa waxqabad daaye, wxii salaxnaa oo loo dhiibay ayuuba
faraha ka bixiyaay
1- Goboladii amaanka ahaa markuu yimid Nuur Cadde faraha ayeey ka
baxeen.
2- waxaa kordhay Weeraradii aay qaadayeen kooxaha kasoo horjeeda Dowlada
Somalia.
Dowlada Nuur Cadde waxaa kaliya oo ay ku mashquushayna ay tahay sidii
khilaaf looga dhalin lahaa dawlada maanta jirta iyagoo ugu adeegaya si
dadban mucaaradka dawlada ka soo horjeeda.
Qore
Hassan C