|
Somalia-
Waxyaabaha la tabaan karo ee ka haray tariikhdaas waxaa ka mid ah hab
luqadeedka labada qowmiyadood. luqaddi i Faraaciinta iyo luqadda
Somalida manatay ay ku hadasho waxaa wali ka dhexeeya isu ekaansho aad u
weyn oo loo dalishaan karo xiriirkaas isuga ah.

Tusaale ahaan ereyg ”Cir” ee Somaliga ah waxaa Faraacintu u yaqiineen
”Xir” erayga ”Qorrax” waxay isna u yaqiinnen” Rac”, sidoo kale erayga
”Dayax” waxay oran jireen ”Abax” .
Waxaa kaloo jra xataa ereyada Magac uyaalda ah
”Annaga” waxeey u yiqinneen ”Anan” hadan u fiirsno magacuyaaladaan waxaa
arkeynaa in Somaliga ay ku dheeraad yihiin xarfah ”ga” marka loo
fiiriyo luqaddii Faraacinta ,taasn waxaa laga yabaa ineey luqaddu is
beddeshey bacdamaa ay muddo aad u dheeri ay kasoo wereegtay.
Naxwaha labada luqadood isna waxaa ka dhexeeya
isu ekaansho weyn, tusaale ahaan marka ay Faraaciintu jamcinayaan (wadar)
magacyada waxay raacin jireen xarafka ”o” halka ay Somaliga ka raacdo
xarafka ”o” ama ”yo” matalan ereyga Reer waxaa loo jamciyaa ”Reer” oo
waxaa lagu dara xarafka ”o”.
Sidoo kale erayga ”Dibi” wuxuu nooqdaa ”Dibiyo”,
Erayga ”Magac” wuxuu isna jamac u noqdaa ”Magacyo iwm, sidoo kale
erey-tilmaameedyadana way iska shabahaan labadan luqadood.
Hadaba waxad arkeeysaa astaamo farabadan oo ku
mujinaya isu ekaanshaha ay wadaagan Faraacinta iyo Somaliga, luqada ka
sokow waxaa kalo jira dhaqammo ay isga mid yihin Faraacinta iyo Somalida
sida ” barshinka” ay geeljirayasha Somaliyeed qaarkood u isticmaalaan
barkin, sidoo kale faraciintuna barkin ahaan ayeey iyana u isticmaali
jireen. Tankale Faraacintu sida Somalida ayey barshinka ka sameyn jireen
looxa, waxaan afka Farcaanita lagu yirahddaa ”Baa-oorsh” ee aan ka
fogeen ereyga Somaliaga ee barshin”.
Qore Cismaan
Samajecel@hotmail.com lasoco qeybta 2 baad dhawaan
hadii alle idmo
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |