|

Somalia-
Sida aad la wada socotaan cali khaliif galeyr waxaa uu ahaa siyaasi u
dhashay gobolada ay ku abtirsadaan bahweyta dhulbahante.cali waa siyaasi
laga wada yaqaano somaliya. Waxaana uu maqaciisu aad loo bartay xiligii
dowladii carte ee uu garwadeenka ka ahaa cabdiqasin salaad booy.
Sida aan la wadaa socono waxaa jiray xiliyaal badan
oo uu ka hadli jiray mr cali siyaasada gobolada uu ka soo jeedo. Dad
badan ayaa waxaa ay qabeen in uu aaminsanaa in ay goboladaas ka mid
noqdaan dhulka gobolada waqooyi ee kaligood is aqoonsaday oo la baxay
somaliland.
Tusaale hadii aan u soo qaadano xiligii shirkii
lagu soo dhisay dowlada somaliya ee ka socday wadanka kenya ku dhawaad
labo sano.waxaa mr cali uu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay in uu
maamulo ergada ka imaaneysay deegaanada dhulbahante.
Sidaas awgeed dadbadan ayaa waxaa ay is
weydiinayaan maxuu cali khaliif ugu fuuli waayey geed dheer iyo mid
gaaban sidii uu ugu fuulay in uu maamulo odey dhaqameedyadii ka
imaanayey dhulka SSC. Taasi waxaa ay xoojinaysaa hadal dad badan qabeen
oo ahaa in uu cali wax ka ogaa qabsashada iyo kala dhantaalka SSC.
Sida aad la wada socotaan waxaa meesha ka telin
jiray maamul goboleedka somaliya puntland. Lakiin
culays badan iyo jahwareerin lagu sameeyay dadka.iyadoo macnaheeduna
ahaa in la qabsado goboldaas.
Maamulka puntland waxaa uu
awoodi waayey dad ku duulaan ah dhulkood in ay ka difaacaan. Sida aad
lawada socotaan laascaano waxaa ay u qaybsanayd afar qeybood oo kala ah.
Qeyb taageersan puntland,somaliland,alitixaad+shabaab,iyo qeeb uu cali
abaabulay oo qabay in ay ka madaxbanaanaadaan puntland iyo somaliland.
Hadaba muxuu Cali Khaliif
xiligaan uga amuusan yahay oo ay suurta Gal tahay inu socod siiyo
siyaasadu warbaahinta ka sheegi jiray ee gooni isu taaga aheed?
Mase madax banaanida u sheegi
jiray ayaa aheed isu dhiibida Hargeeysa?
Taas ayaa keentay qabsashadii
dhulweynaha SSC ee beesha dhulbahante ay ku abtirsanjirtay. Hadaba waxaa
marar badan lala yaabey hadii dadkii lahaa dhulka ay raali ka noqdeen in
la heysto. Yaa u maqan gobolada SSC.
Miyey hilmaameen dadka ku
abtirsada in wax dhuudhuub kugalay uu kugu balaarto oo taariikhda dadnbe
ay awoodi waayaan in ay iska kiciyaan dhulkooda dadka qabiilka ah ee ku
soo duulay.
Tusaale kaashmiir waxaa isku
heysta hindiya iyo pakistan. Dhibkaas waxaa uu dhacay mar ay dadka
degaankaas ka seexdeen in ay ka dhiidhiyaan.Taasoo hada aad moodo in ay
isku egyihiin tan maanta haysata gobolda SSC.
Qore Ilyaas Warsame
Sul_yoon@hotmail.com
Fikirka Qoraagu Kama turjimayo
Siyaasada Allidamaale.com
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |