|
Somalia -
Waqtigii loo qabtay xabad joo
jiinta ayaa ku beegneed
09.07.08 ayadoo lasugayaay waqtigaas hirgalinta qadobkii koowad ee ahaa
Xabad joojin dhexmarta dowlada Fadaraalka Somalia iyo Isbaheysiga kasoo
kuxusanaa nuqulkii lakala saxiixday qodobkiisi koowad
Heshiisyadii ay ku
gareen Dalka Jabuuti Dowlada Somaliyeed iyo Isbaheysiga ayaa qodobkii
ugu horeyaay wuxuu dhigayaay in si sharud la’aan ah lagu hirgaliyo Xabad
joojin dhexmarta labada dhinica, hirgalinta heshiiskaas ayaa bilaabmayay bil ka dib maalinta heshiiskaas la saxiixay oo ku beegan
09.07.08.
Waxaa horey loo
qorsheeyaay in la sameeyo gudi isku dhaf ah oo ka soo talo bixiya sidii
loo hirgalin lahaa xabad joojin dhex marta labada dhinac, tasoo an wali
ka imaan dhinac Isbaheysiga
Raysalwasaaraha DFKM
Nuur Cadde ayaa noqday nin lafcad toobin kuhayaay, kadib markuu
dabacsanaan balaaran u mujiyaay koxaha Isbaheysiga asgoona awoodiisa
siyaasadeed dul dhigay si u usoo jiito kooxaha kasoo horjeeda
Dowladiisa,wuxuuna amar ku bixiyaay in la joojiyo dhamaan howlgalada
ciidamada nabad-galyadu qaadaan.
Nuur Cadde ayaa ooga gol
lahaa talaaboyinkaasoo idil turxaan bixinta taabagalka heshiiskii
Jabuuti si loo heelo xal waara, nasiib xuumo waxba kama soo naso cadaan
Haddaba waxaa muuqata in
heshiiskii jabuuti uu u'egyahay mid aan hirgaleyniin madaam aysan muuqan
wax xal ah oo laga gaaray in xabadii ay joogsato, aydoo dagaaladiina
ayba sii laba lixaad sadeen, lana kordhiyaay shirqoolada iyo dilaalaka
qorsheeysan oo lagu fulinaayo taaba galayasha maskaxda umada Somaliyeed
iyo shaqaalaha Hay’adah Sama falka ufidanaaya gar gaarka shacabka dhibtu
kaso gartay qaraxyada ay sameyaan kooxah dowlada kasoo horjeeda.
Dagaaladii weey si
kordheen kooxaha kasoo horjeeda Dowladu waxeey had iyo jeer isku daya
yaan ineey gacanta ku dhigaan magaaloyin horleh, masuliyinta
isbaheysigana wali lagama hayo iclaamin xabad joojin oo ay idacadaha
kasii dayaan,halkeey warbaahinta kasheegen in la sii wado dagaalada ilaa
inteey Ethiopia kabaxeeyso Dalka Somalia.
Dagaaladii bishii
inadhaftay kadhacay
Matabaan iyo Guri-ceel ayaa astaan cad u ah damac siyaasadeed ee
Isbaheysiga, ayadoo Ciidamada Ethiopia ay sheegteen ineey ku dileen 71
dagaalyahano iyo hogaamiyayaashoodii oo ka tirsan kooxaha kasoo horjeeda
Dowlada Somalia iyo Ethiopia.
Dowlada
Ethiopia ayaa intaas ku dartay in 13 ka mida dadka la dilay ay ahaayeen
hogaamiyayaasha Midowga Maxaakimta iyo kooxda xag-jirka ee Al-Shabab,
ayadoo mid ka mida ragaa la dilay uu ahaa Gaashaanlle Sare Somaali ah,
haystana dhalashada Canda, kaasoo magaciisu uu ku jiro liiska
argagixisada caalamiga ah.
Isku soo wada duube xalku
waa jug jug meshaada joog,ama haltilaabo horey labo tilaabo gadaal oo
macnaheedu yahay aloow waxba dhowran meene dhaxagan soo daadii.
Qore
Hassan
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |