ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Fah faahin. Dagaaldii Laasqorey iyo Hindisihii Hargeysa ee  Mashruuca Afdubka Maraakibta  Badweynta Hindiya.

Axad July 13 2008

Somalia - Ciidamada Daraawiishta ee Maamul goboleedka Puntland oo wata Baabuurta Dagaalka oo Tiro badan ayaa Gaaray dagmada laasqoray ee Gobolka Sanaag,ayadoo ay Magaaladasi isga huleeleen Ciidamo lasheegay ineey tabacsanaayeen Maamulka Hargeysa oo baryaahanba ku sugna halkaasi.

Wararku waxeey intaas kudarayan  in aanay Magaaladu wax iska hor imaad ahi ka dhicin, kadib markii ay ka warheleen Maleshiyadii baryahaanba joogtay Magaalda Laasqorey ineey kusoo wajahan yihiin Ciidamada Puntland oo aad u hubeeysan ay isga huleelen Magaaladaasi, ayagoona lasheegay ineey dib ugu noqdeen magaalada Ceerigaabo oo galbeedka kaga aadan Magaalada Laasqorey halkaaso ay markoodi hooreba ka yimaaden.

Maaha markii ugu horraysay ee maleshiyo ka soo jeeda Maamulka Hargeysa ay fooda usku daraan Ciidamo u dhashay Deeganka oo gacan ka helaya Ciidamada Dowlada Goboleedka Puntland degmooyin kale oo katirsan gobolkaasi halkaaso ay casharo kala kulmeen Maleeshiyada Hargeeysa.

Wariyaha Allidamaale.com ee Magaalada Boosaaso  Muxiyadiin Cabdile ayaa warar hoose oo u ka helay dad lagu kalsoon yahay sheegayaan in afduubayasha kuheesta Familka Jarmalka ah Buraleyda Calamadow ee Nawaxiga Laasqorey u horjooge u yahay nin lagu magacaabo C/xakiin Maxamud Cali Shirre.

Ninkaaso sida lasheegay kamid ahaa ragii keenay Maleeshiyaadka Hargeysa Magaalada Laasqorey si u uga bad baado isku daygii Ciidamada Puntland ay isku dayeen ineey soo furtaan Familkii Madax Furashada u uheestay C/xakiin Maxamud Cali shirre.

Hadaba Waxaa isweydin mudan C/xaakin waa shaqsi ceynkee ah ?

C/xakiin Maxamud Cali Shirre waa nin kitirsanaan jiray Jaaliyada Somaliyeed ee kunool Wadanka Denmark gaar ahaan Magaalada Arhus, wuxuuna dagana halkaasi wakhti badan,C/xakiin mudo haduu kamid ahaa dhalinyaradii ku wareertay qurbah oo markoodi hore qaatay dhaqamada reer Galbeedka, ayuu mar qura jecleestay in loogu yeero Garaad, asgoo kaga hadaaqi jiray makhayadaha  fadhikudiriirka oo ay Somalidu isugu timaado oo kuyaala Basarka ee Magaalada Arhus, halkaaso u kaga hadaaqi jiray erayo aan munaasib aheen.

Aritnaasi weey ka biya diideen Jaaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan Carigaasi Denmark,kadib markii lagu edeeyaay inuusan u qalmin in loogu yeero darajadaas,

C/xaakin oo ahaa nin ku fican Burcadeenta ayaa laxirtay odayaal ka mid ah Jaaliyada reer Hargeysa ee kunool Wadanka Denmark kuwaaso lacag isug daray kadibna u usoo dhoofsahay Somalia.

Markuu soo garay Hargeysa ayaa waxaa gacanta ku dhagiya Maamulka Hargeysa oo mudo radineeyay albaab ay ka galaan Bariga Sanaag aygoo u magacaabay wax jago kusheeg ah oo looga golahaa in lagu isticmaalo.

Maamulka Hargeysa ayaa lacag farabadan iyo khuburo ku xeel dheer badaha oo ajaanib iyo Somaliba isugu jirta ku daray, C/xaakin oo ah nin baahi xoog leh uqabay dhaqaalah ayaa mudo gaaban kadib u amba baxay dhinacaa iyo Laasqrey ,C/xakin oo wata ragii khuburada ahaa ayaa

waxeey markiiba diyaariyeen goobo ay kusoo dhaweeyan Maleeshi u dhalatay Hargeysa  aygoo gacan kahelayaay odayaal dhuni qatayaal ah, maleshiyadaas oo fulineysa Afduubka Maraakibta maraya badweeynta Hindiya si amni xumo iyo khal khalba looga abuuro Degamada Puntland.

Mashruucii durba wuxuu noqday mid mira dhalay ayadoo kadibna loo gudbay qafaalashada dadka nool oo lagu raadinayo Madax furasha lacag ah.

Nasiib wanaag mudo gaaban kadib Mashuurici cusbaa wuu dhicisoobay kadib markii ay soo garen Ciidamadii Puntland oo gacan kahelay wadaniyiin udhashay Deegaanka Laasqorey kana dhii dhiyaay  sumcad xumada u C/xakiin ladamacay Tarikhdii soo jireenka aheeyd ee lagu yiqiinay Bulshada Deegankaas.

 

 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Somalia

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com