|
Somalia -
Wararka laga helayo Golaha amaanka ee
Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in fadhiga lafilayo dhawaantaaan inuu
yeesho Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in lagu soo qaadi doono
xaladaha kataagan Somalia oo hada u muuqato mid lasoo daristay xalad
macaluul oo aad u qalafsan.
Fadhig Golaha Amaanka ee Qaramada
Midoobay ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo todobaadka soo socda, iyadoo
halkaasina uu warbixin dheer ka jedin doono xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobay Ban ki Moon.
Waxayaabaha kulanka looga hadli doono
ayaa waxaa ka mid ah.
Doorashooyinka dhawaan
la filayo inay ka dhacaan Gobolada Puntland.
Falalka afduubka maraakibta biyaha Somalia oo aad isii kordhay.
Heshiiskii Dalka Jabuuti
ay ku gareen Dowlada Fadaraalka iyo Isbaheysiga Garbka Sheerifyada.
Sidoo kale fadhiga golaha amaanka oo
ka dhacaya Magaaalada New York ee dalka Mareykanka waxa lagu wadaa inuu
khudbad halkaasi ka jeediyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan arimaha Soomaalia Axmed walad cabdalla, asgoo lafilayo inuu
dirada saridoono rashin yaradi haysata kumanaanka qof ee Qaxootiga
Somlaiyeed ee u bahaan gar gaar dag dag ah.
Sidoo kale ayaa lagu wadaa in lagu
lafa guro fadhiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaalada amaan ee
Dalka Somalia oo todobaayadii lasoo dhafay lagu dilay Shaqaale
ushaqeynayaay Hay’aadaha Qaramada Midoobay, iyo dardar galinta sidii
soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo caalami ah oo ka socda Qaramada
Midoobay.
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |