|
Somalia - Golaha
Dhaxe ee isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa shalay galinkii
denbe ay isugu yimaadeen Shirkii labaad oo ay uga hadlayaan hishiiskii 9
bishii June ay dalka Jabuuti kuwada saxiixdeen dowlada Fadaraalka
Somalia iyo isbaheysiga, islamarkaana ay ansixiyeen qodobadii lagu
hishiiyay wadahadaladii Sanca.aa
Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen
inta badan xubnihii Isbaheysiga ayaa lagu lafaguray dhibataada soo
fodsartay Isbaheysigooda iyo isfahan la aanta ka dhex taagan
Masuliyiinta sar sare, tasoo loo bahnyahay in xalwara laga gaaro.
Shirkaasi shaley oo u
khudbad ka jeediyey Gudomiyaha Isbahaysiga Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku
tilmaamay in shirkan uu muhiimad weyn u leeyahay Isbahaysiga wuxuuna
tibaaxay in ay guul tahay in heshiis ay ku gaaraan magaalada Sanca
Maxkamadaha oo qayb muhiim ah ka ah Isbahaysiga dib u xoreynta, kuwaasi
oo isfaham ka gaaray arimihii ay isku hayeen, Sheekh Shariif wuxuu
sheegay in ay filyaan in shirka ku soo biiraan xubnaha kale ee
saldhigoodu yahay magaalada Casmara, si buyiri umada Somaliyeed looga
saaro Dhibta.
Mar u kahadlayaay
Sheekhu Mu hiimada u leyahay Heshiiska Jabuuti ayuu ku tilmaamay fursad
aan la dayici karin oo aad qaali u ah, asgoona hoosta ka xariiqay ineey
horay u dayaceen fursadii khartum, xiligaaso ay inta badan dalka Somalia
gacanta ku hayeen, oo u ku sheegay ineey aheed fursad soo
martay oo aysan ka faa’ideeysan,sidaas daraadeed ayasan mid labaad
dayaceen.
Dhanka kale Shirkan
ayaan waxaan ka soo qayb galin garabka kale ee Isbahaysiga oo u
hogaamiyo Sheekh xasan Dahir oo saldhigoodu yahay magaalada asmara ee
dalka Eritrea, kuwaasi oo iska fogeeyaay Heshiiskii kadhacay Dalka
Jabuuti.
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |