|
Eritrea -
Kadib markii uu shir weyn ugu soo dhamaaday dalka Yemen kooxaha ay kala
hogaamiyaan Garabyada Sheikh Shariif iyo Shariif Hassan oo isku garab
ah, iyo wadaadka fikirka adag ee Hasaan Dahir Aweys oo isna dhankiisa u
taagan, ayaa waxaa soo baxay in heshiiskaa uu garab ka heysto hal dhicin
oo keli ah.a
Wadaadka Ad Adag ee Hassan Dahir Aweys
ayaa heshiiska yemen ku tilmaamay mid aanan nuxur badan laheyn, isla
markaana sheegay in uusan heshiiskaa wax badan ka badaleyn fikirkiisa ah
"halganka" uu ugu jiro fikirkiisa gaarka ah.

Wadaadkan oo inta badan ku dooda in
gaalada aanan la dhaweeysan, welina laga dhigan ayaa misna ku doodaya in
ciidamada Somalia imaankara ay yihiin oo keliya kuwo Muslim ah oo uu
isagu kalsooni ku qabo, maadaama sida uu leeyahay wadamada xaalada
Somalia daacada ka ah muslim iyo gaalabo ay yaryihiin.
Hassan Dahir Aweys oo aanan ergo dheeri
ah kula harain halka uu kusugan yahay ee magaalada Asmara ayaa sheegay
in heshiis nabadeed oo Somalia ka dhaca ay ku xiran tahay hadba mowqifka
uu garabkiisu ka istaago xaalada dalka haatan ka taagan.
Shirweyne ka dhacay isla maalinkii
shalay ahaa dalka Djibouti ayaa xubno gaaraya 160 qofood ay ku
ansixiyeen heshiiskii Yemen, maadaama ansixintaa ay aheyd mid loo baahan
yahay, si shakiga uu abuurayo Xassan Dahir meesha looga saaro.
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |