ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Xildhibaan Ibraahim C/Nuur oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaalia ayaa xalay weerar lagu qaaday guriga uu kadegan yahay Magaalada Baydhabo.

Isniin July 21 2008

Somalia - Wararka nagasoo garaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaan Ibraahim C/Nuur oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaalia ayeey xalay weerar ku qaadeen guriga uu degan yahay ee kuyaala Magaalada Baydhabo,kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Fadaraalka Somalia.  


Xildhibaanka ayaa xalay gurigiisa lagu weeraray Bambo gacmeedyo, ayadoo Xildhibaanka ay u soo gurmadeen ilaalada Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Bada Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Wararku waxa intaa k udarayaan in markii Guriga Xildhibaanka lagu weeraray Bama gacmed  inuu halkaas uu ka bilowdey dagaal ka fool ka fool ah oo dhexmaray xoogagga Al shabaab iyo Ciidamada Dowlada Fadaraalka Somalia, iyadoo rasaasta laga maqlayay qeybo katirsan Magaalada magaalada Baydhabo.

Sidoo kale iska hor imaadka ayaa laxaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa laba ruux oo rayid ah, iyadoo dagaalkaasi la sheegay inaysan wax qasaare ah ka soo gaarin Xildhibaankii weerarka lagu qaaday.


 

 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Somalia

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com