|
Somalia - Wararka
kasoo baxaya kooxaha Isbaheysiga garabka Xasan Dahir Aweys ee fadhigiisu
yahay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea ayaa sheegay in ay manatay ku
dhawaaqi donaan hoggaan cusub oo uu yeesho garabkaasi.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee
Isbaheysiga kooxada Asmara Suldaan Maxamed Garyare ayaa xaqiijiyaya in
ay dooran doonaan Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, Guddoomiyaha
Golaha Dhexe iyo Xoghayayaasha Isbaheysiga, oo intuba ah Hogaan Cusub oo
u yeesho Garabkooda, tasoo looga soo horjeedo Garabka Isbaheysiga ee
kusugan Magaalada Jbuuti oo u hogaamiyo Sheekh Shariif.
haddii ay manatay ku dhawaaqaan
garabkaani hoggaan cusub xubnaha Isbaheysiga ee jooga Magaalada Asmara
waxay taasi micnaheedu tahay in Isbaheysiga Dib u xoreynta uu si rasmi
ah u noqday labo garab oo iska soo horjeeda, isla markaana kala fadhiya
Magaalooyinka Asmara iyo Jabuuti.
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |