ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyay iney  ka barbar dagaalamaan Dagaal yahano aan u dhalan Dalka Somalia.

Talaado July 22 2008

Somalia - Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyay iney  ka barbar dagaalamaan Dagaal yahano aan u dhalan Dalka Somalia, kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin Islaam oo aysan aheen AJnabi,una yimid ineey kala qeeyb qaatan Dagaalada ay Ururka Al-Shabaab kula jiraan wax uu ug yeeray caddowga ku soo duulay dalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aday xili ay Dowladda Federaalka Somalia ay shaacisay in ay gacanta ku dhigeen xubno ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Pakistaan iyo Ciraaq, kuwaasi oo lagu qabtay dagaal ku dhex maray Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab Deeganka Yaaq Bari Weyne ee gobolka Sh/Hoose,Dagaalkaas oo ay Dowladu sheegtay ineey Sidoo kale ku dileen Labo sarkaal oo kale oo ayana ajnabi ah, dagaalkasoo si weyn loogu nafeyaay Kooxda Al-Shabaab sideey sheegen Saraakil u hadlay Dhinac Dowlada Somalia.


Dhinaca Kale Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu dilo dagaalada udhaxeeya Dowlada Somalia iyo Al-Shabaab, xubno ajaanib ah oo ka bar bar dagaalamaaya kooxaha Al-Shabaab,  ajaanibtan ayaa la rumeeysan yahay ineey baryahaan danbe kusoo qul qulayeen Koonfurta dalka Soomaaliya,kuwaasi oo sii fogeynaya xal u heelida Mashaakilka Dalka Somalia.


 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Somalia

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com