|
Somalia - Dadweeynah
Dagan xuduuda u dhaxeeysa Texas iyo Mexico ayaa isu diyaarinayaa ineey
isaga hayaamaan guryahooda, kadib markii lasheegay ineey kusoo
wajahantahay duufaan liixad leh oo lagu magacaabo Dolly.
Aqoon yahanada hawada iyo
cimilada ayaa digniin kasoo saaray,aygoo kadigay in dabeeylaha soo socda
aay is birsanayaan dabadeedna ay isu badalayaan Dufaano aad u xoog badan
kuwaaso ku dhufan doona dhulka xiga xeebah dhamaadka asbuucan aynu ku
jirno.
Dufaanta Dolly ayaa waxaa lagu
wadaa ineey latimaado rabaab aad u badan, kuwaaso biyo dhigooda lagu
qiyaasay 25 ilaa iyo 50 centimeter, kuna dhufan doona dhulka udhaw
Xeebaha oo ku yaala Xuduuda Texas.
Maamulka Gobolka Texas ayaa aad
uga walacsan dhibaatada kusoo koraartay, tasoo laga yaabo ineey keento
Fatahaado waxyeelo ugeeysta Dadweeynah Deegankaasi dagan,aygoona ka
dalbay Dadweeynah ineey isu diyaariyaan sida ugu wanagsan ee looga
gashaman karo Dhibaatadas.
Gudoomiyaha Gobolka Texas Rick Perry ayaa diyaariyaay Ciidamo gaaraya 1200 oo askari oo ka qeeyb qaata
hadii ay dhibaato weyni dhacdo.
Dhinaca kale Shirkada soo sarta
oilka oo loyaqaan Shell ayaa sheegtay ineey ka rareeyso shaqaalaheeda
kashaqeeya goobaha laga soo saaro oilka ee kuyaala Mexican Golf.

Sidoo kale Wadanka Mexico ayaa
isna kadigaya ineey ku dhufan doonto dhulkooda Dufaanta Dolly,tasoo
kusocota xawaare dhan 95 kilometer sacadiiba.
Waxaa ayana soo baxaya warar
sheegaya dabeeylo kale oo cusub, loona baxshay Genevieve,kuwaaso dul
hoganaya Xeebah Mexico.
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |