ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Xanaaqi kooxda Asmara oo la taraaray ineey ku dhawaaqan xil ka qaadis ay ku sameyeen Labada Shariif ee ku dhaga adkaaday.

Arbaco July 23 2008

Somalia - Wararka ka imanaya Magaalada Asmar ee Dalka Eritrea ayaa sheegaya in urukii Isbaheysiga garabka u hogaamiyo  Xasan Daahir Aweys ay ku dhawaaqen in ay xilalkii ka xayuubiyeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aada, oo ahaa hogaanka sare ee ururkii la isku oranjiray Isbaheysiga.

kooxda Asmara ayaa waxeey kaloo sheegen in ay u Magacaaben Gudoomiyaha garabkooda Asmara Xasan Daahir Aweys, ayagoona siido kale u magacaabay Gudoomiyaha golaha dhexe Nin magaciisa lagu sheegay Shariif Saalax oo ku cusub dhagah Daawadayaasha Cayaaraha aan lagu kala xishoon ee kasocda Gudaha Somalia.

kudhawaaqidaan ayaa yimid ka gadaal markii labo maal mood lasugayay xubno muhim ah oo horey uga tirsanaa Garabka Asmara hadse ku biray Garabka Jabuuti,kuwaaso hadeey imaan lahayeen codbixin loo qaadi lahaa Labada Shariif ee saraan Faraska Xoowliga dheeraya kusocda, kasoo an laheeyn fariin lagu joojiyo iyo Busteejo laga raaco toona.

Dhanka kale waxaan indhaha Daawadayaasha Cayaaraha aan lagu kala xishoon ee kasocda Gudaha Somalia ku cusbeen,arktida Faraska fudud ee aadka udheereya oo ay saranyihiin Labada Shariif, kuwaaso lagu bartay Markeey kala ahaayen Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aden oo  kusoo canbaxay kal Fadhigii Barlamaanka ee ulaha badan la isku garaacey iyo Gudoomiyaha Maxkamadaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo asna kusoo caanbaxay Fursadii u limayaay ee Khartum, kuwaaso si fudud uga haraya Cayaarihii ay kala hogaaminayeen ee Semifinalka ahaa,ayadoo loo aneynayo Faraskii ay sarnayeen oo an ku wanagsaneen boodada boholaha Garoonka.


 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Somalia

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com