ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroornimo
16:00 - Fiidnimo
17:00 - Habeenimo
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroornimo
11:00 Barqanimo
14:00 Duhurnimo
18:00 Fiidnimo
   

Sheekh Shariif oo ka codsaday Qaramada Midoobay in kooxaha Gudaha Somalia kadagaalama ee garabkiisa tabacsan lasiiyo mushaar u dhigma kan Ciidamada Somalia lasiiyo.

Arbaco July 23 2008

Somalia - Ilo wareedyo wargal ah oo ku sugan Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Horjoogaha garabka Jabuuti ee Isbaheysiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu qoraal u gudbiyaay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Qoraalkaasoo u kaga codsanaayo in xubnaha garabkiisa ee ku sugan Dalka jabuuti la siiyo Mushaaraad la mida kan UNDP siiso Barlamaanka Dowlada Federalka Somalia.

Horjoogaha Isbaheysiga garabka Jabuuti Sheekh Shariif ayaa sidoo kale codsigiisa kudaray in dhinac dhaqaalaha laga taageero oo mushaar joogta ah la siiyo Maleeshiyooyinka taabacsan garabkooda ee ka hoowlgala gudah Soomaalia, kuwaaso dagaalo kula jira Dowlada Somaliya iyo Ciidamada Ethiopia.

Dhinac kale arintaan ayaa kusoo aday xili Shacabka Somaliyeed qabeen rajo ah in Sheekh Shariif ku dhawyahay inuu la midoobo Dowlada Somalia, halkaasina ay kusoo afjarmayso Mashaakil kii  katagnaa Dalka Somalia,balse arinku wuxuu u muqdaa in kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Fadaralka Somalia aysan wadan qorsho ah haldowlada oo Somaliyeed si umadu uga baxdo dhibka daashaday.

Tani waxeey ku tuseysaa qorshah iyo hadafka fog ee kooxaha mucaradka, taaso ku saleeysan in dowlada Somalia ay ka feer jiraan kooxo awodoodu u dhiganto tan Dowlada amaba ka awood weyn, hadii la wayna ay dhibaatadu iska sii socoto.


 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Somalia

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com