|
Somalia - Hadaba akhristow
hadii aad si fiican u dhuuxdo macnaha dhabta ah ee loolanka siyaasada
somaliya. Waxaad arkeysaa in beel ka mid ah beelaha
somaliyeed ay dooneyso sadbursi. Una aragto in somaliya hadii waxa ay
doonayaan aysan helin ay somaliya waligeed isga sii jirto fawdo. Sida
taariikhda ku xusan markii ay burburtay dawladii somaliya. Waxaa u
suurto gashay in uu ururkii USC is raaciyo dawladii somaliya oo laga soo
bilaabo dagaalkii 1977 sii daciifeysay maalinba maalinta ka danbeysa.
Xiligaas waxaa la orankaraa
somaliya oo dhan waxaa ay ku sugnayd mogadisho. Amaba waxaan dhihi
karnaa somaliya waxaa ay ahayd mogadisho. Taas macnaheeda waxaan ula
jeedaa maamulxumidii dawladii somaliya ayaa kaliftay in ninka jooga
cirifka lowyacade ama dhoobley uu u soo raadsado waxkasta Moqdisho,
tusaale hadii aan u soo qaato baasaboorka,jaamacada,isbitaalada iyo wax
walba oo nolosha bulshada ay u baahnay.
Waxaa u suurta gashay ururkii
USC in ay ku guuleystaan in dawladii afka ciida loo daro. Xiligaas xamar
waxaa awood ku lahaa ururkaas oo kaliya.
Su aasha ayaa hadaba waxaa ay
tahay maxaa kalifay hadii aysan jirin cidkale oo kugu haysata caasumadii
somaliya in la laayo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan. Maxaa
Dowlada loo riday? hadaba ma waxaa ay ahayd in
la bartilmaameedsado dada an waxba galabsan mise in xukunkii ku dhisnaa
cadaalad darada la rido dabadeedna la isugu yeero somali si ay u
dhistaan dowlad ku dhisan cadaalad. Hadaba cadaalad daradii dadku ku
khasabtay in la diriro mid ka xoog badan toban jeer ayaa timid.

Taasna waxaa ay keentay in
ururkii laf ahaantiis uu u kala jabay tobaneeyo urur.oo waxaa laga
dhaxlay dulmigii laga galay dad somaaliyeed oo aan wax galabsan.
Hadaba hadii aad u fiirsato
maanta nimanka sheeganaya wadaada waxaa ay u qaybsanyihiin tobaneeyo
urur. Tusaale midawga maxkamadaha,alshabaab,ururka xoreynta,iyo kuwa
kale oo badan.
maxay kaga duwanyihiin maanta
MMI kuwii USC, jawaabtu waa waxba kuma kala duwana. Sababtoo ah kuligood
waxaa ay doonayaan sadbursi in qof soomaali ah la xaqiro oo laga dhigo
wax aan jirin.
Ratigu danbe ratiga hore ayuu
saanqaadkiisa leeyahay macnaha waxaan ula jeeda ururadan maanta laka
yiraahdo maxkamado ama alshabaab waxaa ay ku taaganyihiin raadkii USC da.
Kaasoo ku dhisnaa boob,dil,dhac,barakicin,kufsi,fiiqasho,xishood la aan.
Hadaba hadii aad u fiirsato
maanta waxaa la laynayaa dada an wax galabsan iyadoo la leeyahay waxaa
lagu tuhmay in uu la shaqeeyo dawlada somaliya. Diinta islaamku
xageey kaga jirtaa in qof islaan ah oo an waxba galabsan dhiigisa
ladaadiyo? oo waliba aad idaacadah ka maqleysid nin darajo
shiikhed sheeganaya oo leh anaa dilay.
Teeda kale kuwa mashaa'ikhda
sheganaaya oo qofkeeyrabaan ayagu dinta kasaraya xagee ka soo
galaan islaam nimada?
Hadii aad u firsato waxaa la
leeyahay somali anagu hadaan nahay, awey somalinimadii waxaa ceel lagu
riday 1991. waxaana ku riday kuwa maanta ku haya somalinimo.
somaliya ilaah baa u maqan
dhibkana wey ka bixin. Dulmigana ilaah baa suulin. Kuwa beenta
sheegayana ilaah baa umada ka qaban.
Qore Ilyaas Warsame
Sul_yoon@hotmail.com
Fikirka Qoraagu Kama turjimayo Siyaasada
Allidamaale.com
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Somalia
Allidamaale.com |