ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

   

Warbixin Qarsoon: Maxaa looga goleeyahay xilkaqaadista xiligaan ee Maxamed Cumar Xabeeb(Maxmed Dheere)?

Khamis 31 2008

Somalia - Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya xilkaqaadis qabyo ah oo la doonayo in  lagu sameeyo maxamed cumar xabeeb (Maxamed Dheere), Kaasoo ka mid ahaa ragii ka danbeeyay in dawlada maanta jirta ay ku shaqeyso magaalada mogadisho ka dib markii uu geed gaaban iyo mid dheer u fuulay.

Maxamed waxaa uu ka mid yahay lafdhbarka dawlada. Waxyaabaha lagu xasuusto oo u amaanta kuleyahay ayaa waxaa ka mid ah markii uu kursigii uu ku lahaa baarlamaanka uu uga dagay Ra'isulwasaarihii hore, asgoo ujeedkiisa u ahaa inuu furo xujooyinkii la hordhigay Dowlada Mantay jirta.

Waxaa kale oo lagu xasuustaa nidaamkii iyo kala danbeyntii uu ka sameeyay magaalada jowhar. Iyo isagoo kaalinweyn ka qaatay dagaalkii lagu kala diray ragii ka dagaalami jiray xamar.kuwaas oo maanta meeraysanaya duurka, waxaana la oran karaa waa hogaamiye kooxedka kaliya ee gaaray Hadafkiisi,kaasoo ku taami jiray in magaalada Maqdisho ay marlabaad noqto Caasimadii Dalka Somalia.

Maxamed oo lagu tariyo raga ay sida aadka ah isugu dhawyihiin madaxweyne yusuf. Iyagoo isku aragti ka ah kooxaha ladagaalama dowlada Fadaraalka.

Waxaa hal mar soo baxay war ku saabsan maxamed dheere kaasoo la yiri waxaa laga qaadey xilkii uu hayey.

Xiliga xilkaqaadistu dhacaysay ayaa lasheegay in aysan soo xaadirin inta badan Golihii Wasiirada, hayeshee kusoo aday xili u Madaxweyne Cabdulaahi yusuf ka maqnaa Magaalada Moqdisho, asgoo booqasho gaban ku tagay gobolada puntland.

Sidaas daraadeed Waxaa dad badan is weydiiyeen maxaa isku soo beegay maqnaanshaha Madaxweyne yusuf iyo xil ka qaadista  maxamed dheere?

Dad badan ayaa qaba sababta looga qaadayo xilka in ay tahay arin siyaasadeed taasoo macnaheedu yahay in jaanis la siiyo kooxaha muqaawamada oo uu maxamed dheere ku noqday laf dhuungashay.

Waraar hoose oo Allidamaale.com  kaheshay wargalo aad ugu dhaw Maxamed Dheere  ayaa sheegaya in ay jiraan xiriir hoose oo ka dhaxeeya qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo  muqaawamada kuwaasoo ku saleysan cabsi galin iyo hanjabaadyo loo dirayo qaar ka mid ah wasiirada dowlada, kuwaaso lagu wargaliyaay in ay aqbalaan qorshaha xilka qaadis oo ay watan shakhsi ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Ra’isal wasaaraha, hadii kale iyaga ama caruurtooda ay saameynkuyelaneyso.

Hadii aan tusaale u soo qaadano mayaa la simi karaa xaga shaqada maxamed dheere iyo wasiirka isboortiga iyo wasiirka arimaha gudaha, maxaa shaqada looga eryi wayaay haduu macnahu yahay xil gudan waa?

Macnahu waa kaduwan yahay sidaas sida Allidamaale.com kuheshay xogta, Sababtoo ah maxamed dheere waxaa uu geed gaaban iyo mid dheer u fuuley in ay dawladani shaqeyso, Laakiin labadan nin waxaa ay ku fariisteen kuraas uu maxamed dheere soo bisleeyay. Marka in ay maanta ninkii kuraasta ay ku fadhiyaan soo bisleeyay ay u arkaan cadow waa iska cadahay. Kama maqna arintu sidoo kale qabiil oo waxaad arki kartaa mudaharaadyada la dhigay kuwaasoo loo wada jeedo cida dhigtay iyo macnaha ay ula jeedaan.

Hadaba qorshaha ka danbeeya in xilka laga qaado maxamed dheere ayaa ah in la abuuro fawdo, si muqaawamadu u hesho jaanis ay dib isugu abaabusho tasoo hada sii liicaysa. tusaale hadii aan u soo qaadano baladweyne xiligii uu ka talin jiray dabageed waxaa ay aheyd magaalo caadi ah oo dawladu ka taliso.

Ka dib markii uu nuur cade soo magacaabey nin kale waxaa ay baledweyne isku bedeshay maagaalo ay si toosa ula wareegeen muqaawamadii. Hadaba macnaha ka danbeeya xil ka qaadista maxamed dheere ayaa ah in xamar laga dhigo sida baladweyne oo ay faraha ka baxdo, Taasoo ragii ka danbeeyay arintaas ay yihiin kuwa maanta dabada ka riixaya xilkaqaadista maxamed dheere.

Sidoo kale waxaa looga jeeda in la iska horkeeno dawlada si marka uu nuurcade ku dhawaaqo xil ka qaadis oo uu cabdulaahi yusuf diido ay halkaas ka dhalato khilaaf, Iyadoo looga goleeyahay in idhaha caalamka looga jeediyo kamira dhalinta heshiiskii Jabuuti,taaso larabo in Qaramada Midoobay laga dhaadhiciyo dawladdii waa ay kala qeybsantay sida mucaaradka oo kale xiligaana macquul ma aha in Ciidamo Caalami ah loo dro somaliya.

Hassan C

 

Fikirka Qoraagu Kama turjimayo Aragtida iyo Siyaasada Allidamaale.com

 

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com