|
Somalia -
Sida aynu wada ogsoonahay Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen marxalado
kala duwan kuwaasoo intooda badan ahaa colaado iyo isqabqabsi qabaa’il,
kasoo markii danbana isu rogay dagaalo sokooye oo ku saleeysan isir
naceeb, ayadoo dadyoow badan oo Somaliyeed ku afoobeen kuwo kale oo an
xisaab laheena ku barakaceen,oo dunida dacaladeeda ay ku heeysato
daruufo ad adag iyo darxumo aan lasoo koobi karin.
Si
kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa muddo 18 sano ahayd meel dawlad
la`aan ah, ayadoo wax walba oo dunida maanata ceebta ka ah ay ka yihiin
caadi, sida dilka Dhaca iyo kufsiga,tasoo damiirka bini’aadan nimo iyo
diinta Isalaamkaba ka hor imaaneysa wax lagu tilmaamona an lagaraneyn.
waxaa
yaab leh markaad aragto intabadan Waxgaradka Somaliyeed oo isku
qancinaaya
somaliya waxaa ku herdemayaa Doowlado shi sheeye oo dano iska soo
horjeeda kaleh Dalkeena Somalia, iyo kuwo kaloo Aqoonyahano sheeganaaya
oo iyagana isku qancinaaya Mucaaradka iyo maamulka dowlada federaalkuba
ma hayaan talo dan u ah Shacabka Somaliyeed, waxaa iyana kasii daran
qolo kale oo wadata Magac Culumo, kuwaasoo ka dheereeyaay Qab
qablayaashi Dagaalka ee soo cirib tiray dad iyo duunyo, kooxahaan cusub
ee Magaca Diimeed wata ayaa u muuqda kuwo raba ineey dhameestiraan
Shacabka Somaliyeed ee ayaanka daran inta ka hartay oo ka bad baaday Qab
qablayaashii Dagaalka.
Hadaba hadii wax badan la isweydiiyaay maxaa xal ah? lana sameyaay
iskudayo badan maxaa soo baxay?
Waxaa ayana isweeydiin mudan maxaa isku daykasta oo la damco in dib
loogusoo celiyo Qaranimadii iyo sharaftii lagu yiqiinay umada Somaliyeed
darbi adag hordhigay?
Jawaabteeda akhristaayshan u deyn.
Tusaale shirkii carta lagu qabtay sanadkii 2000 waala ogaa halkuu maray
iyo sidii looga horyimid, uma bahna in la sheeg sheego cida diiday iyo
sababah loo diidayba waa wax ay umada Somaliyeed ka dharag santahay,kii
xigay ee Nairobi Dalka Kenya lagu qabtay 2004, oo ay kasoo baxaday
Dowlada Fadaraalka Kumeel Gaarka ee Somaliyeed ayana waan aragnaa dhacaa
kufka heeysta iyo mashakilaadka hortaagan,tusaalana waxaa kugu filan 18
sano inta shir dib u heshiisin ah ee looqabtay Umada Somaliyeed iyo
doowlad kasta oo loodhiso Dalka Somalia sababaha ay uhirgali waayeen.
Waxaan kaloo tusaale usoo qaadan karnaa shirkii ugu danbeeyaay ee
Jabuuti,hididiilihii ay bulshada Somaliyeed kamuujiyeen Calamkuna u
riyaaqay heshiiskana lagu kala siixiixday maxaa ka hirgalay?
Jawaabteeda akhristaayshan u deyn.
Waxaa
sidoo kale Tilmaan kugu filan hadii shir dib u heshisiineed la isugu
keeno Somali natiijada kasobaxada ineey tahay koox cusub oo kusoo birta
sii fogeeynta xal uhelida Somalia.
Marka mala oran karna Dalka Somaliya
waxaa cagaha jidayey Shacabkiisa iyo inta badan bulsha weeynta
Somaliyeed ee ku abtirsata Ficilo sheeydanka, sabaabto ah hadii aysan
raali ka haeeyn Shacabka Somaliyeed sida ay wax u socdaan xaalku intaan
wuu dhaami lahaa.
Ugu
danbeeyntii hadaan fikirkeeyga cabiro xal aan isdil aheeyn majiraa
jawaabtu waa haa waxaa laga yaaba in la heelo dariiqyo badan oo xalka
loo maro haduu caqligu shaqeeyo balse Somali uma soo jeedo xiligeen.
Xalka
ugu fuduud wuxuu noqon karaa xiliga adagna looga gudbi karaa, dhiiga
micno darada u qubanaayana loo badbaadin karaa waa in Dalka Somaliyeed
lakala qeybiyo intii israaci kartana gooni isu taagto.
Sabaabto ah…..Haddeynaan ismaqleeyn sideenaba....
oo aan kala danbeeyn jirin sidiisaba….
Maxeeynu isu sheegi sideedaba.....
waxaan hubaa dadbadan ineey layaaban erayga kala taga Somaliyeed,balse
wakhtigaa bari, sabaabto ah waxaa layiri qofkaan waxtaagan garan waxa
soo socdana magarto, hayeeshe qofkii caqli lehi magaran waayo dowlada
la’aana Dowlad xunbaa dhanta hadiise ladiiday haba xumaate soow isdil
kalataga ma dhaamo?
Qore Hassan
C
Lasoco
Qoraalada Danbe
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |