ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroorti
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroorti
11:00 Barqadii
14:00 Duhurki
18:00 Fiidniki
   
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Adan Diiriye oo shirar kala duwan layeeshay Madaxweynaha Puntland,Issamada ,Ganacsatada,Odayaasha, Waxgaradka, Ururadda Haweenka,Dhalinyaradda, Sportiga Iyo Dhamaan Bulshadda Qaybaheeda Kaladuwan

Axad 17. 08. 2008

Nuradin Adan diriye Ayaa kulan Xasaasiya la yeeshay Madaxweynaha Puntland Maxamud Muse Xirsi (Cadde Muse) kadib markii ay ka wada hadleen mar xalada Puntland iyo sidii loo sameyn lahaa Doorasho Xaq ah,

Mudane: Nuradiin ayaa sheegay Mar uu saxaafada hadal siiyey, in kulanka dhexmaray Musharaxa Madaxweyanaha Puntland Iyo Madaxweyne  Cadde Muse uu ahaa mid ay ka wada hadleen Sidii maanta loo qaban lahaa doorasho cadalaada si hormar ay u gaaraan bulsho weynta reer puntland una helaan madaxweyne rasmiya Nuradin Adan Diiriye oo sii wata hadalkiisa wuxuu ku daray in uu u  soo bandhigay Cadde Muse  musharaxiinta kala duwan ee isku soo sharaxaya Madaxweynanimadda Puntland in ay tahay lagama  maarmaan in ay isku yimadaan dhamaantood oo ay wada shiraan si loo helo daacadnimo iyo kalsooni la tuso Bulshadda Reer Puntland

Isku soo wada duuboo kulanka dhexmaray Musharaxa Puntland Nuradin Adan Diriye Iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan.
 
Sidoo kale Mudane Nuradiin Aadan Diiriye waxa uu Kulan la yeeshay Isimadda Gobolka Bari Kulankaas ayaa lagu furay Ayaadaha Quraanka Kariimkaa isla markiiba waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Aadan Diiriye oo ka hadlay marxalada adag ee maanta ay marayso Puntland, barnaamijkiisa  iyo sidii Isimaddu iskugu taxalujin lahaayeen in ay sameeyaan Tijaabin iyo Baaris ay ku Wadaan Musharixii u qalma in uu ka badbaadiyo Burburka iyo Dhibaatada ku socota dadka Iyo Dalka reer Puntland si loo helo Cadaalad, Sinaan Iyo Nabad Gelyo waarta.

Issimada Gobolka Bari oo isku rayi ka wada noqday barnaamijkiii  uu soo Bandhigay Musharaxu  Ayaa ka hadlay in ay ku farax san yihiin in la sameeyo isbadal horleh oo aan Puntland lagu baran iyo in ay soo dhaweenayaan Mudane: Nuradiin Aadan Diiriye
 
Waxayna Balan Qadeen in la shaqeen doonaan maadaama uu yahay Musharaxa kaliya ee la yimid Isbadal Gooniya oo cusub, Ma aha in cadaalada indhaha laga rido ma aha in Qabyaaladda la is ticmaalo Ma aha in Musharaxiinta lagu doorto Lacag Ma aha in Dalkeena iyo Dadkeenaba  Burbur iyo Dhibaato la geliyo Hadalkaas waxaa Yiri Issin kamida Issimada Puntland ee Gobolka Bair oo halkaas ka soo jeediyey Khudbad dheer oo taabanaysa Xaqiiqda maanta jirta.
 

 

Sidoo kale waxaa uu musharaxu kulan la sameeyey Uruadda Haweenka, Dhalinyaradda, Isportiga kulamadaas ayaa ahaa kuwo tusay Dadkii ka soo qayb galay sinaanta iyo Cadaalada waxaana lagu cadeeyey in ay tahay musharaxii ugu horeeyey oo Qiimeeya lana kulma  Dhalinyaradda Iyo  Isportiga taas ay tahay mid ay ku faraxsan yihiin. waxaana ay ka hadleen doorka dhalin yarada ku leedahay bulshadda reer Puntland oo ay ku tilmaameen mid liidata hase ahatii waxa sheegeen in ay ku faraxsan yihiin musharaxa aqoon leh oo dareemi kara dhibaatada haysata ururada haweenka dhalin yarada Isportiga Waxbarashada Iyo Bulshada Qaybaheeda Kale.


Isku soo wada duboo Kulamadaan kala duwan ee uu sameeyey Musharax Nuradin Adan Diriye ayaa ahayd Kuwo ku soo dhamaaday Jawi Wanaagsan Iyo soo Dhaweyn Fiican.
 

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com