|
Somalia -
Qado sharaftan oo ahayd mid si weyn loo soo
agaasimey ayaa waxay ka dhacday Huteelka Waamo ee Magaalada garowe.

Qadadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qurbo joogta
Puntland oo hadda ku sugan Caasimada Puntland ee Garowe,qaar ka mid ah
maamulka Puntland,waxgaradka Puntland,culimada Puntland,bahda
waxbarashada ku hawlan iyo saxaafadda.

Hadaba furitaankii kulankaasi qado ayaa waxaa
lagu bilaabay ayaadaha Quraanka kariimka ah,quraanka ka dibna waxaa
halkaasi warbixin ku aadan ujeedada kulankan qado loo sameeyey ka soo
jeediyey Agaasimaha xafiiska isku xirka Jaaliyadaha Puntland Cabdirisaaq
Maxamed Dirir(Ducaysane)wuxuuna sheegay in kulankani uu yahay mid
muhiima si loo helo xiriir ka dhexeeya qurba joogta Puntland iyo kuwa
jooga Puntland,waxaa aad halkan looga baahan yahay in dadkii
aqoonyahanka ahaa ay dalka ku soo laabtaan waa mid baahi weyn loo
qabo,kuwa badan oo aan anigu ka mid ahay waxaanu nahay dadkii soo noqday
markay arkeen dalkii ee aanay jirin wixii laynoo sheegi jiray,ee loo
baahan yahay in dalka horumarkiisa gacan laga geysto,aqoonyahanada jooga
wax badan ayey dalka ka qabteen,waxaan idiin sheegayaa in Xafiiska aanu
furnay uu yahay mid muhiim ah oo isku keen xiraya kuwa dibedda jooga iyo
kuwa gudaha jooga.

intaasi ka dibna waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka
mid ah qurbo joogta oo dalka dib ugu soo laabtay sheegayna markii uu
yimid dalka in uu go’aansaday in aanu noqon ee dalka ka shaqeeyo wuxuuna
Carrabka ku dhuftay in uu hadda la shaqeeyo Wasaaradda xannaanada
xoolaha ee dhinaca daaweynta Xoolaha,intii aanla shaqaynayeyna wax badan
ayaa u qabsoomay wasaaradda isagoo sheegay in Teamam dhakhaatiir ayey
tababreen ay u direen Miyiga si ay u soo daaweeyaan Xoolaha Buka iyagoo
agabkoodii u dhan yahay,markaa waxaa loo baahan yahay in dalka loo soo
noqdo waxna loo qabto.
sidoo kale waxaa sina halkaasi sugaan ka soo
jeediyey Abwaan Shube oo ku aadanayd dhaqanka iyo wixii waagii hore la
isticmaali jiray.

Dhinaca Culimadana waxaa hadlay Shiikh Cabdiqaadir
oo halkaasi ka soo jeediyey wacdi dhinacyo badan taabanaya iyo soo
dhoweyn uu soo dhoweeyey qabashada kulankan uuna ugu mahadnaqay
agaasimaha Xafiiska ee soo abaabulay,wuxuu kaloo ka sheekeeyey xaaladaha
dalku soo maray.
Ugu dambayntiina waxaa hadalkii qaatay xubin ka mid ah Qurbo joogta oo
ugu horraynba u mahadnaqay agaasinka xafiiska iyo faa’iidada uu u
leeyahay qurbo joogta,waxaa fiican in aan yeelano kulamo markasta ah oo
aan ku wada xiriirno,wuxuu kaloo taabtay in imaanshaha Qurbo joogta si x
un loo fasilay oo wax aan jirin suuqa la geliyey,waxaan u diyaar nahay
in aan dalka horumarkiisa ka qaybqaadano.

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |