ALLIDAMAALE NEWS PAGE

NEWS  |  COMMENTS  |  ANALYSES

 

Somali Radios

     Home      |     Presse Release    |    Our Service      |      Archive   |     Send a Comments     |     Contact us

VOA SOMALI EDITION

13:00 - Aroorti
16:00 - Fiidkii
17:00 - Habeen
 

BBC SOMALI SERVICE

04:00 Aroorti
11:00 Barqadii
14:00 Duhurki
18:00 Fiidniki
   
Agaasimahii Radio Daljir xafiiskeeda Boosaaso Maxamed Maxamuud (Welcome) oo hada xabsiga laga siidaayaay.

Isniin 18. 08. 2008

Somalia - War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in xabsiga Magaalada Boosaaso laga sii idaayay agaasimaha Idaacada Daljir xafiiskeeda Boosaaso Maxamed Maxamuud (Welcome)

Agaasimaha Radio Daljir ayaa shalato asgoo ku guda jira Howlihiisa shaqo ay ka kaxeesteen Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso kadibna ay ku xireen Xabsiga Magaaladaasi.

Wariyahan ayaa lashegayaa inuu  xirigiisu kadanbeeyaay barnaamijyada ay dowlad Gobleedka Puntland xilagaan mamnuucday ee xayeesiinta Doorashayoonka Puntland.

Sii deynta Agaasimaha Daljir Radio ayaa kadanbeeysay ka gadaal markeey kulan yeesheen warbaahinta iyo Maamul Goboleedka Puntland oo ay ka wadahadleen xariga Agaasimaha Daljir.

Dhinac kale Masuuliyiinti kasoctay Maamulka Puntland ayaa ku wargalisay saxaafada in laga fogaado howlaha wax u dhimaaya nidaamka Puntland, tasoo ay aqbaleen warbaahinta in ay u furantahay oo keliya saxaafadu kahadlaka ololaha musharixiinta u tartaamaya Madaxtinimada Puntland marka la gaaro 1-da November, inta kahooreysan ay tahay kutumasho lagu tuntay nidaamka iyo sharciga Puntland.

 

Hassan C

 

 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

Allidamaale@hotmail.com

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

Allidamaale.com

                                          

                                                               Copyright © Allidamaale.com                 

                                           CONTACT US Webmaster Allidamaale@hotmail.com               

 

Boggan waxba lagama daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com