|
|
|
Madaxweynaha DGPL oo ka qaybgalay Xafladii Qalin
jebinta Ardayda PSU.
Xaflad aad loo soo agaasimey si qurux badana loo maamulay ayaa waxa ay
ka dhacday xarunta Jaamacada Puntland State University. |
|
Talaado 19. 08. 2008 |
Madaxweynaha DGPL oo ka qaybgalay Xafladii Qalin
jebinta Ardayda PSU.
Xaflad aad loo soo agaasimey si qurux badana loo maamulay ayaa waxa
ay ka dhacday xarunta Jaamacada Puntland State University.
|

Xafladan ayaa ujeedadeedu ahayd gudoonsiinta shahaadooyinka qalin
jebinta ardayda Jaamacada oo isugu jirtay saddex qaybood oo ah
Degree,Associate Degree iyo Government Staff-UNDP.ardaydan ayaa
ahayd kooxdii kowaad ee ka qalin jebisa Jaamacada Puntland Garowe ee
Shahaadada Bajularka.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPL Mudane
Maxamuud Muuse Xirsi,wasiirka waxbarashada,Maxamuud Bille
Dubed,wasiirudawlaha Madaxtooyada,wasiir ku xigeenka
Qorshaynta,isimo,Culima awdiin,aqoonyahano,waxgaradka gobolka
Nugaal,jaaliyadaha Dibedda ardayda Jaamacadda iyo dadweyne aad u
fara badan.
Hadaba ugu horrayntiiba waxaa xafladaasi lagu furay Ayaado quraanka
Kariimka ah iyo wacdi uu soo jeediyey Sh. Cabdiqaadri Nuur Faarax.

Quraanka ka dibna waxaa halkaasi ka hadal ka soo jeediyey mid ka ah
ardayda ka qalin jebisay waxayna ugu horraynba mahadnaq u soo
jeedisay Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada PSU oo suurta geliyey
in maantay xafladani qabsoonto,iyagoo geliyey nafhurid badan
abaalkoodana Rabi ayaa gudi kara.Mudanayaal ardaydu marna ma
halmaamin ardaynimada iyo maalmaha uu dhiganayey Jaamacada,waxayna
intooda u badan ku hawlan yihiin sidii ay ummadda ugu shaqayn
lahaayeen,mudanayaal waxbarashada Puntland ha hanaqaado ardayga
Dugsiga Sare ka baxa waxa uu helayaa isagoo dalkiisa jooga waxbarsho
Jaamacadeed oo tayo leh.

Intaasi ka dibna waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyey Guddomiyaha
jaamacada PSu Mudane Maxamuud Sh.Xaamud.oo ka warbixiyey heerarka ay
soo martay Jaamacada PSU iyo halka ay maanta marayso,wuxuuna sheegay
in kooxda maanta ka baxaysa Jaamacada ay isugu jirto saddex qaybood
oo kala ah Degree oo mudo afar sannadood ah dhiganayey maanta la
guddoonsiin doona shahoodooyinkii qalin jebinta,ardayda manta la
siinayo shaahoodoyinka waxayna ka kooban yihiin 34,22Associate
Degree iyo 32dawladda shaqaalaheeda ah,waxaa jaamacada dhigata arday
gaaraysa 650arday ay 30% ay yihiin gabdho.
Hadaba waxaan codsanaynaa ama aan ogaanay in ardayda dhigata
Jaamacadaha ama dugsiyada Sare ay ka aqoon badan yihiin kuwa dhigta
jaamacadaha Bakistaan iyo Hindiya lana ogaaday markii loo
kuurgalay,markaa waxaan ku boorinayaa ardayda dibedaha aadaya in ay
aaminaa dalkooda waayo waxa ku baxa kharaj fara badan jaamacadaha
dibedda waalidkana cadibaad bay ku tahay.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garraase oo ka
mid ahaa isimadii ka soo qaybgalay xaflada qalin jebinta Jaamacadda
PSU,sheegayna in Jaamacadu wax weyn ay u tartay degaanka
Puntland,wuxuuna halkaasi ka soo jeediyey Duco.

Sidoo kale waxaa isna xafladaasi ka hadlay wasiirka waxbarshada DGPl
Mudane Maxamuud Bile Dubed oo sheegay in ka waxbarasho ahaan ay soo
dhoweynayaa cid kasta oo ku hawlan waxbarasho,aadna waxa uu ugu
mahadnaqay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada PSu Garowe,intaasi ka
dibna wasiirku waxa uu ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DGPL Mudane
Maxamuud Muuse Xirsi.
Madaxweynaha ayaa waxa uu xafladaasi ka soo jeediyey qubad
taabanaysa dhinacyo badan,wuxuuna sheegay in uu u mahadnaqayo
qabqaabiyaasha hurmuudka ka ah Jaamacada aniggu ka maamul ahaan
waxaanu awooda saarnay waxbarashada ilaa 400 oo macalin ayaan
shaqaalaynay inkastoo ay jirto dhaqaale yaraan,madaxweynaha ayaa si
gaar ah u amaanay Hooyada Soomaaliyeed oo iyadu dadaal dheer u gasha
sidii ilmaheedu wax u baran lahaa shaqo kastoo adagna waxa ay u
gashaa sidii ay ilmaheeda ugu heli lahayd lacag uu ku barto,sidoo
kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dhinaca nabadgelyada wuxuuna
sheegay in aanu maamulku keligii waxba qaban Karin hadaan shacabku
la shaqayn dawladda.

Ugu dambayntiina Madaxweynuhu waxa uu shahoodooyinkii guddoonsiiyey
sadexdii qaybood ee ka qalin jebiyey Jaamacadda PSU.
Xafladan ayaa run ahaantii waxa ay ahayd mid si weyn loo habeeyey
qurux iyo farshan badanina uu ka muuqday iyagoo si wada jir aj ay u
soo diyaariyeen Maamulka,Macallimiinta iyo ardayda oo iskaashanaya.
Xafladan ayaa ka dib markii ay dhamaatay waxa la guda galay Casho
sharaf ay soo diyaariyeen Maamulka Jaamacada taas oo ay ku sii
adkaynayeen farxadda Ardayda qalin jebisay.












|
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |
|
Copyright © Allidamaale.com
CONTACT US
Webmaster
Allidamaale@hotmail.com
Boggan waxba lagama
daabacan karo idin la'aan, hadii baahi timaado waxaa lala soo xiriirayaa
Maamulka Bogga cinwaanka ah Allidamaale@hotmail.com
|
|
|