|
Somalia -
habeenkii xalay ayaa Dalka Juabuuti
lagu qabtay Xaflad lagu maamuusayay heshiiskii ay kala saxiixdeen
dowlada Fadaraalka iyo isbaheysiga Garabka Jabuuti heshiiskaasi oo
dhowr qodob ka koobnaa.
Warar is khilaafsan ayaa kasoo
kala baxaya wafuudii kala hogaamineeysa labada dhinac, kuwaaso sheegay
in ay heshiis gaareen ayaan hadana muuqan xal lataaban karo oo ka
turjimaya Xaqiiqada iyo wakhtiga adag ee lagu jiro, waxaana soo baxaya
kala hadal iyo kala fasiro kala duwan, una dhaxeeya uqeeb sanayaasha heshiiska ee labad dhinac.
An ku hormare Isbaheysiga Garabka
Jabuuti ayaa waxaa u hadlay Madaxa Wafdigaas
Cabdiraxmaan C/Shakuur asgoo sheegay in heshiis laka xasiixday,
Heshiiskaaso ay kala saxiixdeen labada
dhinac, qodobadiisa ugu muhiimsana ay kamid yihiin.
1-
Mudo 15 maalmood ineey kaga
baxaan Gudaha Magaalada Moqdisho gar ahaan deegaanada dadka rayidka ah
daganaayen, macada halka loola jeedo Deegaanada dadka rayidka.
2-
Xabad joojin bilaabaneeyso
kadib mareey kabaxaan Ciidamada Ethiopia deegaanad aan sida tooska ah
loo xusin.
3-
in
la sameeyo Ciidamo Somaliyeed oo isku dhaf ah kuwaaso Ethiopia kala
wareega Howsha.
Waxaa xusid mudan in
qodabadaani ay yihiin kuwo cusub oo lagu soo kordhiyaay kuwii horay
loogu gaaray Dalka Jabuuti, kuwaaso an wali mid kamid ahi lafulin.
Dhinaca kale
qaar kamid ah wafdiga dowlada Fadaraalka Soomaaliya
uga qeeyb galayay shirkaasi ayaa sheegay dhinacooda ineeysan heshiiska
laka saxiixday ku jirin wax sheegaya Ciidamadsa Ethiopia habaxeen.
Hadaba waxaa
isweeydiin mudun sida ay ku hirgali karaan
Qodobadan cusub ee lasheegay in laka xasiixday, taaso
shaki weeyn galineeysa Shacabka Somaliyeed ee u ooman Nabadgalyo waarta.
waxaa ayana cad oo aan
markhaati u bahneen in heshiiskii Jabuuti ee umada Somaliyeed uhan
weeyneed kana dhursigeeysay laga weeciyaay dhabihii Nabada iyo dib u
heshiisiinta, loona weeciyaay halkii u maray kii Khartoum.
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |