|
Somalia -
Maanatay ayaa waxaa kulan dag dag ah isug yimid
Wasiiro arimo dibadeedyada 26-ka wadan ee ku bahoobay ururka NATO,
kuwaaso kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada
Bruxelles ee
dalka
Belgien.
Kulankaas ay maanta yeesheen Ururka NATO ayaa waxaa diirada lagu saaray
go’aan qaadasho ku wajahan duulaanka Russia ay kuqabsatay Dalka
Georgia, tasoo ay NATO ku macneeysay ku xadgudub
madax banaanid Dalka Georgia.
Wadamada NATO ayaa kaga codsaday kulankaas ineey
Russia hirgaliso heshiiskii lakala saxiixday ee ahaa in Russia ay si
dhakhso leh uga baxdo Dalka Georgia, ayadoo aan go'aamo rasmi ah lagaarin
ayaa hadana la isku raacay in Russia lagu canbaareeyo Duulaanka ay ku
qaaday Dalka Georgia, sidoo kale ayeey wadamada Ku bahoobay NATO ku
baaqeen in aysan Xukuumada Russia wax wada shaqeeyn ah layeelan dooniin
meelaha qaarkood.
Kulankaan ay yeesheen NATO ayaa kusoo aaday kadib
markii u Madaxweynaha Rassia Dmitrij Medvedev ka balan qaaday dhigiisa
Dalka France Nicolas Sarkozy Sabtidii in Rassia ay si dhakhso leh ugasoo
baxeeyso Guri.
Waxaa kaloo ayana la isku soo qaaday kulankii NATO
Madaxweynihii hoore Dalka Pakistan Perves Musharraf oo iska dhiibay
xilkii u uhayaay Dalkaasi,tasoo ay NATO u aragatay saxiib weyn oo ay
wayeen marka laga hadlayo Ladagaalanka Argagixisada.
Madaxweynaha Dalka Pakistan Musharraf ayaa shalay
kasheegay Idacadaha la iska arko ee Dalkaasi inuu kadagay Jagada
Madaxtinimada Dalkaasi, taaso timid ka gaadal markii ay xukuumadu
Cadaadis adag ku saartay oo ay
sheegtay ineey ku soo ogayaan Dacwado kadhan ah isga hadii usan isaga
dagin jagada, haduu sidaas yeelana aan wax danbi ah loo heysan.
Musharraf oo ahaa gacanta dhaw ee Mareykanaka, kana
qeeyb qaatay dagaalkii mareykanku kula jiray Argagixisada Claamka ayaa
indhawaalaba umuqday nin kagaabiyaay hoowshii mareykanku u idmaday,
tasoo loo aneeynayo Cadaadisyo farabadan oo isbadal doon ah oo oga
yimid gudah Dalkiisa.
Madaxweyne Musharraf ayaa xilkii si ku meelgaar ah
oogu wareejiyaay Godoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi Mohamedmian Soomro.
Hassan C
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |