|
Somalia -
Kooxaha Al-Shabaab ayaa saaka aroorti
Weerar culus kuqaaday Ciidamada AMISOM ee kusuganaa wadada KM4,
dagaalkaaso markii danbe aad u xoogeystay ayaa sababay in la isla gaaro
goobo kadurugsan halka u kabiloowday Dagaalka. Asgoona kusii fiday
deeganada ku xeeran KM4, ayaa waxaa kusoo biray Ciidmada Dowlada
Somalia.
Dagaalkaan oo sameen ku yeeshay
dhaq dhaqaaqa Dadweeynaha iyo isu soocdka gaadiidkaba ayaa waxaa
lasheegayaa ineey waxyeelo kasoo gartay Dadweeyne aan ka agdhaweeyn
halka u dagaalku kasocday, kuwaaso sida lasheeg ku sugnaa Guryahooda,
ayaa waxaa doonatay oo u tagtay xabada wiftada looyaqaan iyo Madaafic
haboow ah.
Inta la ogyahay ilaa iyo hada ayaa
dagaalkii saaka waxaa ku geeriyootay 6 qofood oo rayid ah, kuwaasoo ku
geeriyooday madaafiic kusoo dhacday xaafadahooda, sidoo kale waxaa ayana
jira tiro kale oo k udhawaacmay Dagaalkii saakay,waxaana sida lagasoo
wariyaay goobaha Cafimaadka lagu sheegaya inta lasoo garsiyaay ilaa iyo
hada 19 qofood oo dhaawac ah.
Dagaalkii saakay ayaa Afhayeen u
hadlay Al-Shabaab u sheegay in ay iyagu kadanbeeyeen oo ay weeraro ku
qaadeen fariisimo ay ciidamada Uganka ee AMISOM ka leyihiin KM4 ee
magaalada Muqdisho.
Dhanaca kale Afhayeen asgana u
hadlay ciidamada Uganda ayaa asgoo ka warbixinaayaay Dalka sakay
kadhacay KM4 sheegay in aysan jirin dhinacooda wax qasaare ah oo soo
garay Ciidamada AMISOM, wuxuuna intaas ku daray in ay haboontahay in loo
turo shacabka Somaliyeed oo an laga dhex dagaalamin, waxuuna tilmaamay
in dagaalada la joojiyo oo lataageero Dib u heshiisinta socota si nabad
loogaaro.
Wararku waxeey kaloo intaa
kudarayaan in Dagaalkii saakay kadib ay
Ciidamada AMISOM
baaritaano kasameyeen deeganada ku xeeran goobihii ay dagaaladu saakay
ka dhaceen,waxeeyn howlgaladaasi kusoo qab qabteen dad gaaraya ilaa iyo
6 qof oo ay ooga shakisan yihiin in ay ka mid ahaayen kooxihii weerarada
kusoo qaaday.
Hassan C
Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan
Allidamaale@hotmail.com
Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com
Allidamaale.com |