 Xisbiga Daryeelka & Horumarka PL oo soo Dhaweynayay goaankii G. doorashada PL
Last update 11-09-12Xisbiga daryeelka iyo Horumarka Puntland oo fadhigiisu yahay magaalada Leicester ee Uk waxaa uu soo dhaweynayaa goaankii maanta kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta ay xisbiyadu is diiwaan gelin karaan.
Xaqiiqdii tallaabada loogu gudbiyo asaasidda xisbiyadda waa tallaabo horumar ah, taasoo horseedi karta horumar laga sameeyo xagga dimuqraadiyada iyo waliba heerarka siyaasadeed ee dalkeena. Runtii maamulka dowladda Puntland aad iyo aad ayeey ugu amaanan yihiin tallaabadaas ay ka dhabeeyeen waana soo dhaweyneynaa haddeynu nahay bulashada jecel horumarka dalkeena.
Mar labaad iyo mar saddexaadba Xisbiga D&H waxa uu leeyahay hanbalyo dhammaan maamulka iyo shacabka reer Puntland.
Afhayeenka Xisbiga D&H
Cabdixakiim Jaamac Jooje Leicester UK
|
|