Menu
banner 3d

Damaca Proof. Juriile iyo daldaloolada ka muuqda

Last update 11-09-12

off:C/risaaq Cismaan Xassan (Jurille) oo Waraysi saxaafada soomaaliya, waxa uu ka hadlay arimo fara badan, hase yeeshee waxaa ugu muhiimsanaa laba arimood, waraysigaas oo ahaa mid dheer.

1)-Prof. Jurile waxa uu ka dhawaajiyey in caasimada soomaaliya tahay magaalada mugadisho oo beelaha Hawiye gaar ahaan u shegteen,waxii ka danbeyey burburkii qarankii Soomaaliyeed.

2)-Prof. Jurile waxa uu ka dhawaajiyey damiciisa siyaasadeed. Waxa uuna qirtay waraysigaas in uu yahay nin sugaya in loo magacaabo Jagada Raísal wasaaraha Soomaaliya, maadama ay madaxwane nimada ku guulaysteen beesha Hawiye.

Haddaba soo looma qaadan karaayo in prof. Jurile baaq saxaafada u maryey, Madaxwaynaha cusub ee shalay la doortay H.E. Hassen Sheikh Mohamud in uu asaga u magacaabo Raísal wasaare, maadama uu asagu ka soo jeedo Puntland iyo Beesha daaroodba, uuna yahay nin wali qaba fikirka ah in Mugadisho caasimadii soomaaliya wali tahay?

Waxaan filyaa cidii warasigaas dhagaysatay oo dhuuxday warkaas in ujeedada ugu muhiimsan een Prof. Jurile waraysigaas u bixiyey ahayd xod-xodasho uu ula jeeday Madaxwaynaha cusub H.E. Hassen Sheikh Mohamud in asaga u magacaabo jagadaas iyo in uu ka qancinayey mawqifkiisa uu ka taagan yahay halka ummadda soomaaliyeed caasimad u noqon karaysa.

Akhristayaal soomaaliya sida aysanba dawlad u lahayn ilaa 1991kii, caasimadna markaas ayaa ugu danbaysay, waayo beelo ayaa gaar u sheegtay, dadkii caasimada deganaa ee aan beeshooda ayhayna ka bara kiciyey. Waxaan ognahay madaxwaynaha cusub in uu beesha hawiye yahay, qaxna uu u leeyahay in uu masiirka ummada soomaaliyeed hogaamiyo lagulana garab galo, Hase yeeshee madaxwanaha waxaa laga sugayaa in uu soo celiyo oo waliba beeshiisa ka soo celiyo waxii ay horey u boobeen….hantidii ma guurtada ahayd ee gobolada koofureed beeshiisu boobtay, sida dhul beereerdkii shacabka iyo guryahoodii.

Prof. Jurile Prof. maxaad u iloowday dhibtii dadkaaga xamar logu geystay?, tankale dadka aad ku abtirsato nidaam iyo kala danbayn ummada soomaaliyeed ayey ula siman yihiin, maaha in aan anagu baahi gaara u qabno, mana doonayno hadaan reer puntland nahay in aa baad ku bixino, sharafkayaga iyo karaamadayada…sidoo kale baad ku bixin mayno anagoo horey u dulmanayn in aan caasimad aan jirin 22 sanno, aan dib ugu aqoonsano caasimad ay beeli gaar u sheegato, ayadoo ay waliba wax badan nooga maqanaayeen.

Prof.Jurile Soomaali waxbay kala yeelatay, waxna waa isugu harsan yahiin  oo wali go’aan lagama gaarin, marka waad hor dhacaysaa, ha dag dagain.!  

 Wabbilaahi towfiiq

 M.Yusuf ( Raad-haye)


Ogeysiis: Flinkii Ismaqabato Qeybtii 2aad ku daawo Jigjiga iyo Garowe
Koox Somalia ah oo Lagu Xukumay Taageerada Alshabaab
Kenya government walks a tightrope in Somalia as Kismayo gets new leader
Khilaafka Xukuumada R/wasaare Saacid iyo Baarlamaanka oo cirka isku shareeray
Baarlamaanka Somalia oo dhawaan Garoowe loo rari doono.
M/weyne ku xigeenka Jubba land oo sheegay inay xalinayaan muran kasta oo jira
PL oo xukuntay kalluumaysato sharci darro ku joogay xeebaha Somalia
Oloole lagu tallaalayo xoolaha PL oo dhawaan ka bilaabmaya deegaanada PL
Xasan Culusow oo daboolka ka qaaday in Jubaland Cadaalad ka jirin Mogadishana cadaalad taalo?
Ururka Sahal oo bayaan adag kasoo saaray cadaalad xumada iyo farogelinta qaawan ee Xasan Sh.