Menu
banner 3d

Hotelkii uu dagaan Madaxweynha Cusub ee Somalia oo Qarax laguweeraray

Last update 12-09-12

Hotelkii uu daganaa Madaxweynaha cusub ee Federaalka Soomaaliya hotel Jasira ee duleedka Muqdisho ayaa lagu weeraray Qarax aad u culus oo laga maqlayay daafaha Jasira.

Wararka horu dhacan ah ayaa sheegaya in rag wata labo gaari oo laga soo buuxiiyay walaxha qarax isku qarxiyeen irida hore iyo gudaha Hotelka uu dagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, weerarkaan ayaa fashilmay kadib markey rasaas la beegsadeen ciidamadii ilaalada ka ahaa Hotelka oo ka koobnaa ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.

Waxaana hotelka ka socday shir caalami ah ayadoo ay xiligaas ku sugnaayeen Dhamaan masuuliyiintii hore ee DFKMG iyo kuwa cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, isla markaan ay joogeen wafuud caalami ah oo ay ka mid ahaayeen

wasiirka arimaha dibada ee Kenya, Madaxweynhii hore Sheekh Shariif, R/wasaarihii hore Cabdiwali, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub Jawaari iyo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Prof. Hassan.

nooma suurta galin in aan helno khasaaraha dhabta ah ee uu geystay qaraxaasi, balse waxaa loo maleynayaa inuu jiro dhibaato aad u baxaad weyn. Walow aan helay war sheegaya in ay ku dhinteen ilaa 2-Askari oo dowlada Soomaaliya ah iyo mid ka mid ah ciidamada Amisom.

 

allidamaale@hotmail.com

Muqdisho


Dhageyso, Fiiro gaar ah: Gabaygii Cusbaa ee m/wayne xasan Sh.
Farxadda Jubaland iyo baroorta Muqdisho
Waa kuma Ninka Uu Madaxweyne Hassan Culusow, u direy Kismaayo?
Beesha Sade oo ka arinsanaysa sidii ay ka yeeli lahayd Col; Barre Hiiraale
C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"
Somaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmark soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii