Menu
banner 3d

Wafdi ka socda dowlada PL ayaa xalay kulan la qaatay M/wene Hasan Sheikh.

Last update 18-09-12

Wafdi heer sare ah oo kasocda dowlada Puntland ayaa in dhaweyd ku sugnaa magaalada Muqdisho, wafdigaan oo labo kooxod ah ayaa habeenkii xalay ahaa la qaatay wadahadal albaabada u xiran yihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud.

Waxaana Wafdigaan kala hogaaminaya Wasiirka amniga dowlada  Puntland Mudane Col. Khaliif Ciise Mudan oo ay waheliyaan howl wadeenada Madaxtooyada Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlada Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf.

wafdiga ay hogaaminayaan Wasiirka amniga dowlada Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Puntland ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho caleemasaarkii Madaxweynaha cusub kadib markuu ka baaqday Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole oo laga sugayay inuu kasoo qeyb galo xaflada caleema saarka.

Wafdiga kale ee uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlada Puntland Maxamed Cali Yuusuf ayaa igau horey u joogay magaalada Muqdisho waxeyna soo gaareen xiligii xulitanka xildhibaanada Federalaka Soomaaliya, ayagoo ka wakiil ahaa dowlada Puntland.

labadaan wafdi oo ka wakiil ah Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaan la garaneyn waxa ay kala hadleen Madaxweynaha cusub, balse waxaa loo badani yaa in wadahadalkoodu ku saabsanaa dar dar galinta wada shaqeynta dowlada Federaalka iyo dolwada Puntland oo laf dhabar u ah jiritaanka dowlada dhex e Muqdisho, isla markaana ah maamulka kaliya ee wada shaqeynta la leh dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

allidamaale@hotmail.com

Muqdisho


Xog: Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo xilka Iska casilay,Waa maxay sababtu?
Ciidanka DDS ee Itoobiya iyo Alshabaab oo uu dagaal cusub u biloowday
Garoowe oo lagu xukumay gacan ku dhiiglayaal ay xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee PL
Gudoomiyaha Jaaliyada JL C/nuur Khaliif (Khali) oo Tahniyad u diray JL
(Sawiro + Warbixin) Booqashadii Gaas ee Danmark
Siyaasi Abdirxmaan Xoosh Jibriil, oo Qadiyadiisi ku iibsadey 1000$
Gudoomiyaha Mudug iyo waxgarad kormeer ku tagay deegaanka Dhagaxyo-caddo
Baarlamaanku wuu Garanayaa Khaladka, Balse Kama Hadli Karaan Amaankooda.Darteed
Warbixin: DF oo la sheegay in ay arruurinayso Ciidan Qabiil oo loo ekaysiiyay Shabaab
Dhageyso, Fiiro gaar ah: Gabaygii Cusbaa ee m/wayne xasan Sh.