 Dowlada Puntland oo shaacisay inay muwadiniinteda Kaarka aqyonsiga u samayndonto
Last update 18-09-12Wasiir ka wasaarada arimaha gudaha iyo dowlada hoose ee puntlan C/laahi axmed jaamac(Ilko jiir) ayaa shaaciyey in muwaadiniinta reer Puntland loo samayn doono kaarar aqoonsi, Kaasi oo ay muwaadiniin ka qaadan doonan dhamaan gobolada puntland degmooyinkooda, Baadiyaashane loo diri doono teeman gaaro , Waxuuna intaa wasiirku ku daray in howshaan ay wada fulin doonan wasaarada arimaha gudaha iyo shirgad khaas looleyahay, shirgadaan ayaa horay ogala shaqaysay dowlada arimo la xiriira caanshuraha gawaarida iyo shatiyada, Dhanka kale wasiirku waxuu intaa raacshey in samaynta kararka aqoonsiga ay ka caawin doonto arimaha amniga iyo inay hordhac u tahay tirakoob la doonayo in dhawaan lagu samayn doono shacabka puntland ,
Hadii ayne howshaan si dhaba oga hirgasho puntland ayaa waxay noqonaysaa in waxa la qabtay arin ay ku taamayeen maamuladii kala duduwanaa ee soo maray deeganka iyadoo laga jooga xiligii aas aaska PL mudo dhan 14 sano, Lana shaacshey dhawaan in gobolka u tilaabsaday hanaanka axsaabta.
Dhanka kale waxaan meesha ka marnayn in laga dhaadhiciyo shacab ka faa’idada uu leeyahay qaadashada kararka aqoonsiga ee muwaadin nimo, iyadoo loo marsiin karo war baahinta iyo in loo qabto kulamo loogu sharaxayo oo ka dhaca dhamaan deeganada wadanku ka kooban yahay.
Wariye: C/qaadir C/xakiim Cismaan
Puntland
|
|