Menu
banner 3d

Xaflad ay soo qaban qaabisay Safaarada Somaaliya ee Mozambique oo halkaasi kadhacda.

Last update 18-09-12

Xaflad ay si wada jir ah u qabteen Safiirka Somaaliya u fadhiya wadanka Mozambique ee magaalada Maputo Ambassador Faarax Caabi Samatar iyo jaaliyada Somaaliida dagan Maputo, Mozambique, ayaa waxa ay kadhacday magaala madaxda wadankaas.

Waxaa kazoo qaybgalay jaaliyada somaalida ah ee Maputo, ayagoon u kala harin. Waxaa markii ugu horaysayba furay xafladaas Ganacsade Mudane Ibraahim, oo kamid ah wax garadka halkaa dagan. Asagoo si diiran ugu soo dhaweeyay safiirka. Danjire Faarax Caabi ayaa waxa uu ka hadlay arimo kala gadisan, soodhawaynta madaxwaynaha cusub ee Somaaliya, midnimada jaaliyada sSmaaliyeed ee Mozambique, iyo xal u helida dhibaatooyinka haysta jaalida dalka Mozambique.

Waxa uu u hanbalyeeyay madaxwaynaha umada soomaaliyeed mudane prof xasan shiikh maxamed , ilaahayna waxa uu uga baryay in uu u fududeeyo xilka iyo masuuliyada uu umada Somaaliyeed u qaaday. Jaaliyada Maputo iyo guud’ahaan qurba joogta Mozambique ayuu ku booriyay in ay isku duubnaadaan, oo ay ahaadaan hal qura, taas oo sahlaysa in aanu noqono bulsho nafteeda iyo umadeedaba anfacda.

Waxa uu tilmaamay Ambassador Farah Caabi Samatar wax qabashada safaaradiisa uu hogaanka u hayo waxyaabaha ay soo kordhindoonto in ay kamid yihiin:-

A. In aysan dhici doonin qof Somali ah inaan si sharci daro ah xabsi isaga galin wadanka Mozambique.

B. In aysan dhicin qofka Somaliga in uu cabsi ku safro ama uu ku shaqeeyo, isagoo ka cabsanaya ciidanka nabadsugida iyo booliska wadankaas.

C. Iyo in jaaliyadu ay bulshada ay la nooshahay ku dhexyeelato sharaf iyo qadarin aad u saraysa, taasna ay ku imaan doonto marka laraaco dariiqa iyo qaabka aan u dajindoono jaaliyada.

D. Intaa kadib jaaliyadu waxay noqonaysaa mid ay ku daydaan jaaliyadaha ku kala nool wadamada kale ee qurbajoogta Soomaalida ah.

Waxaa kaloo kahadlay ganacsatadii halkaa joogay iyo dhalinyarada da’yarta ah, oo intuba aad u soo dhaweeyay safiirka iyo safaaradaba. Ayagoo ku tilmaamay in ay ahayd waqti baahi badan loo qabay in safaarad laga furo wadanka Mozambique. Ayna balanqaadeen in ay garab istaagayaan safaaradooda , shirarbadan oo isdaba jog ahana ay yeelan doonaan, si ay uga mira dhaliyaan waxa ay hiigsanayaan oo horumar iyo isku duubnida ah. Guud ahaan shirkaas ama xafladaasi waxa ay u dhacday si quruxbadan oo ay dadkii kasoo qaybgalay ay u riyaaqeen.


Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan
Dameeraalow dawladnimo iyo dastuur maxaad ma taqaan?
Ogeysiis: Flinkii Ismaqabato Qeybtii 2aad ku daawo Jigjiga iyo Garowe
Koox Somalia ah oo Lagu Xukumay Taageerada Alshabaab
Kenya government walks a tightrope in Somalia as Kismayo gets new leader
Khilaafka Xukuumada R/wasaare Saacid iyo Baarlamaanka oo cirka isku shareeray
Baarlamaanka Somalia oo dhawaan Garoowe loo rari doono.
M/weyne ku xigeenka Jubba land oo sheegay inay xalinayaan muran kasta oo jira