 Duulaanka gaashaanbuurta irir – waa duulaan dhulbalaarsi ah!
Last update 18-09-12Qarnigii laabaatanaad ayaa caalamka ugu danbaysay dhulbalaarsi toosa, oo duulaan inta degaan ama dal laqabsado lagula wareego.Duulaanka gashaanbuurta irir waxa uu ku wajahan yahay qabshada dhulka qayraadka badan ee Daaroodka iyo masiirka dulka & ummadda soomaliyeed oo uun ayaga wax laga waydiiyo. Haddaba maxaa la gudboon shacabka iyo hogaamada daarood, mar haddii ay inoo cadahay in gashaanbuurta irir dulaan ku yihiin dhulalka daarood Ismaaciil. Soomaalidu waxay ku maah maahada:- ( Nin naagtaada doonaya – gababdhayda hoo ma yeelo). Haddii hogaamka sare ee soomaaliya ay gaashaanbuurta irir doonayeen, waxay hogaanka sare qabteen marar fara badan, oo ay doorasha ku sheegtii dhawad ugu danbaysay. Haddaba dhawaaqa ka soo baxaya gaashaanbuurta irir, xiligaan oo hogaanka sare ee soomaaliyeed madaxwane irir hayo, ma waxaan ku sheegi karaynaa waxay diidayaan, madaxwaynaha ayaan irir ahayn, mise waxaan ku sheegi karaynaa gaashaanbuurta irir xukun doon maahe, waa dhul balaarsi doon.
Dhulka daarood ma Antarctica?, caalamka aan maanta guudkiisa joogno, waxaa ka banaan hal qaarada waxaana loo yaqaanaa Antarctica, waana qaarada ku taala cirifka koofureed ee aduunka. Qaaradaan antarctica waa qaarad aan lagu noolaan karayn oo baraf dhex fadhiyo iyo cimiladeeda oo aan sahal loogu noolaan karayn. Sidaan ognahay qaaradaan waa qaarad aad u wayn, waxaana lagu tuhmayaa khayraad fara badan oo mustaqbalka laga faaíidaysan karaayo. Waxaa jira in dawladaha caalamka kuwa awaada iyo aqoontoodu horeyso in ay aad ugu tartamayaan, lahaashaha qayb ka mida qaaradaas lama degaanka ee hada aan lagu noolaan karayn, hase yeeshee mustaqabalka ay suuro galka tahay in lagu noolaado iyo in qayraadka dhex jiifa laga faaíidaysan karaayo. Qaaradaan antarctica waa meesha kaliya caalamka ee aan cidina kaa xigin, haddii aad dhul balaarsanayso, marka hadayba gashaanbuurta irir dul doonayaan, soo ma haboonayn in ay antarctica aadan, mise waxaa la tijaabiyey awooda daarood ismaciil oo, daarood ismaciil ayaa gaashaanbuurta irir doonayaan in ay u qaxiyaan dhankaas iyo Antarctica, mise dhulka daarood waaba Antarctica geeska afrika ku taala, oo gaashaabuurta irir waxii 1991kii ka laga bilaabo heleen.
Akhristow maxaa kuu baxay dhaqdhaqaaqa mr. Ismacil Omar Geele iyo madaxwaynaha cusub baqiisii ku wajahnaa beelaha Idoor ee gobolada waqooyi galbeed dega iyo Jawaabtii beelaha Idoor ay ka bixiyeen, baaqii beesha Hawiye ee uu hogaaminayo Mr. Hassen sheekh. Akhristow maxaa kuu baxay duulaanka dhanka saxaafada ee ay gaashaanbuurta irir ku qaadeen dawlada Kenya, oo ay ku dhaliilayaan in ay gacan siinayso hogaamiyaasha daarood ee dhulkooda doonaya in ay dib uga qabsadaan gaashaanbuurta Irir.Akhristow ma is waydiisay waxa ay gashaanbuurta irir ciidanka Amisom ee mugadisho jooga ugu arkaan saaxiibkood, kuwa isla ciidamada Amisom ah ee koofurta iyo dulka daarood joogana cadowga.Jawaabta suáalaha aan kor ku xusay iyo kuwa kale oo badanba waxay noqonaysaa sidaan:-
a) Dagaalka geeska afrika maanta ka jiraa, waa gaashaanbuurta irir oo dhul doon ah
b) Dhulka duulaanka lagu yahay waa dhulka daarood ismaaciil
c) Gaashaanbuurta irir maaha kuwa nidaam iyo kala danbayn soomaliya doonaya inta ay hadafkooda dhulbalaarsi ka quusanayaan.
Hadaba maxaa la gudboon daaroodka maskaxdoodu caafimaadka qabto, marka aan meesha ka saaro kuwa caado qaatayaasha ee beesha daarood ku abtirsada:- Anigu waxaan qabaa in jawaabtu sidaan tahay.Qawmiyada daarood ismaaciil waa in ay dhulkaada ka difaacdaan cadawgooda oo ah gaashaanbuurta Irir iyo in madax dhaqameedka iyo siyaasiinta daarood iska iloobaan qaran soomaaliyeed baadi goobkiisa inta gaashaanbuurta irir riyada ka toosayaan
Wa bailaahi towfiiq
M.Yusuf ( Raad-haye) |