Menu
banner 3d

Amiga Mugdisho oo laga dayrinayo kadib doorashadii M/waynaha cusub

Last update 19-09-12

Magaalada Muqdisho xarunta kumeel gaarka ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa barayahaan noqotay mid amnigeeda aad looga deeyrinayo kadib markey kasoo cusboonaadeen oo ay soo baxeen amaan xumo aad u baaxad weyn iyo dilaal qorsheysan oo loo geysanyo saraakiisha ciidamada,howla wadeenada ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya iyo waliba dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaa iyana feer socda qaraxyada iyo is miidaminta lagu weeraryo goobaha ay ku sugayanyihiin madaxada dowlada Fedeeraalka Soomaaliya sida Madaxweynaha cusub Mudane Hassan Seikh iyo Ra’isulwasare Cabdiwali.

Shacabka magaalada oo in muda ah ku naaloonayay isbadal xaga amniga ah iyo kasoo kabasho amni xumadii baahday ee ka jirtay magaalda oo aan caago badan ku taagneyn ayaa imninka u muuqda kuwa ay soo wajahday wajiyo cusub iyo wal wal horleh oo ay ka qaadeen amani xumada kusoo korortay magaalada Muqdisho.

Waxaana dadweynaha magaalada ay marba dhinaca u saarayaan in ay ka danbeeyso amni xumada soo krortay, ayadoo dadka qaar ay u aaneynayaan xiliga kala guurka iyo maraxalada cusub ay gashay xaalada Soomaaliya taas oo wadata loolan siyaasadeed iyo hardan hoose oo u dhaxeeya siyaasiyiinta ,halka qaarkalena ay tilmaamayaan kooxaha Al-Shabaab ee kasoo horjeeda dowlada Federaalka iyo ciidamada Amisom.

Ciidamada amniga ee dowlada Federaalka iyo kuwa Amisom ayaa la lagdamaya ka hortaga weerarada qaraxyada ah iyo fariimaha cabsi galinta ah ee soo gaaraya shaqaalaha iyo howl wadeenada dowlada ee ka imaanaya kooxaha kasoo horjeeda dowlada Federaalka.

Dhinaca kalena waxaa dhawaan Saraakiisha ciidamada Amisom ay ku amreen Mudanyaasha Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya in ay xakameeyaan dhaq dhaqaaqooda magaalada hase yeeshee ay ku ekaadaan goobaha loo cayimay oo ay dagan yhiin iyo Hotelada amnigooda aadka loo adkeeyay xiliyada aysan waxa shaqo ah ku jirin.

allidamaale@hotmail.com

Muqdisho


C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Xafladii C/wali lagusoo dhaweynayay oo iminka lasoo xiray
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"
Somaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmark soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan