Menu
banner 3d

Faroole oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya

Last update 19-09-12

Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane C/raxamaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiyeey geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamad Cismaan Aden (Edson) oo ahaa Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Faroole ayaa sheegay in asagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca dadweynaha iyo dowlada Puntland uu ka tacsiyeenayo geeridii naxadinta laheyd ee ku timid Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Marxmuum Maxamad Cismaan Aden (Edson) oo ahaa qunsul aad ugu adeega qoxootiga Soomaaliyeed ee ku dac dareysan dalka Kenya.

”waxaan tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan gar ahaan qoyskii, ehelladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Marxuum Maxamad Cismaan Aden (Edson) oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya” ayuu yiiri Madaxweynaha Dowlada Puntland Faroole.

Madaxweyne Puntland ayaa ilaahay uga baryay Marxuumka inuu alle ka waraabiyo Janadiisa Fardoows. Amiin.. Amiin…Amiiin.


Gudoomiyaha Mudug iyo waxgarad kormeer ku tagay deegaanka Dhagaxyo-caddo
Baarlamaanku wuu Garanayaa Khaladka, Balse Kama Hadli Karaan Amaankooda.Darteed
Warbixin: DF oo la sheegay in ay arruurinayso Ciidan Qabiil oo loo ekaysiiyay Shabaab
Dhageyso, Fiiro gaar ah: Gabaygii Cusbaa ee m/wayne xasan Sh.
Farxadda Jubaland iyo baroorta Muqdisho
Waa kuma Ninka Uu Madaxweyne Hassan Culusow, u direy Kismaayo?
Beesha Sade oo ka arinsanaysa sidii ay ka yeeli lahayd Col; Barre Hiiraale
C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"