 Kumaa Madaxweyne aan ku faraxno noqon doona?
Last update 20-09-12SU'AAL AAN JAWAABTEEDA SUGAYEY AYAA AHAYD:
KUMAA MADAXWEYNE AAN KU FARAXNO NOQON DOONA SIDA JAWAARI?
Waxaan akhristayaasha iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aan si aan cidina malayn karin ugu faraxsanahay in Rabbi (SWT) samada ka aqbalay jawaabtii su'aashayda, markuu amray in Dr. Xasan Sheekh Maxamuud noqdo Madaxaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. waana noqday Madaxweyne Soomaalida, derisyada iyo dunida inteeda kale ku wada faraxday, sida Jawaari iyo ka badanba.
Rabbi ayaan uga mahad celinayaa doorashada wanaagsan ee Xasan Sheekh Maxamuud waqtigan adag loogu doortay Madaxweynaha J. Federaalka ee Soomaaliya. Waxaan u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka iyo xilkasnimada, xisaabtanka. xulashada iyo aragtida biyo-kama-dhacaanka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamanku shacabkooda rafaadsan oo ragaadku ku fogaaday u soo bandhigeen. Guuleysta idam Alle, waxayna muujiyeen in ay yihiin aasaas adag oo mustaqbilka dabaqyo badan oo muraayado ah laga duldhisan doono, inshaa Allaah. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa madaxda qaybaha Soomaaliya oo dhan iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo aan u kala harin bogaadinta, soo dhoweynta iyo farxada ay ku qaabileen Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Eebbena ha ka dhigo Madaxweyne sida loogu farxay loogu bogsado, kuna guuleysta himiladiisa khayr ee uu jecelyahay in uu Soomaaliya ku badbaadiyo.
Badiba Xildhibaannada, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha kulligood waa wajiyo cusub oo loo wada riyaaqay, waxaana halkaas ka dareemi-karraa in aan 22 sano oo dadqalnimo, xusulduub qabyaaladeed, shar iyo shiddo katalin ka soo daallay, una muuqanno dad danaynaya maanta wax dawlad la dhaho, inkas-
too aanan garanayn cidda fahamsiinkarta dhallinyarada 30 sano jirrada ah ee 1991dii cimrigoodu 7 sano ahaa. Waxaan qabaa in dhallinyaradaas inta maanta ka nool badidood aanay waxba ka aqoon wax loogu yeero Soomaali, qarannimo, dawlad, nabadgelyo, heshiis, diin, badbaado, qaraabe, ehel, xalaal, xaaraan, xishood, xaqdhawr iyo cabsi Eebbe, waxayse aad xarfaan ugu yihiin, yaad tahay, reer-reer, dil, bililiqo, kufsi, xabbad, hub lagu faano, dagaal joogto ah, qafaal, burcad, isbaaro, I.W.M.
Sidaas darteed, waxaan madaxdeenna maanta oo aan u rajaynayo in ay ku tallaab-sadaan guulo badan oo dhanwalba ah ka codsanayaa in ay dhibaatooyinka isdulsaa ran ee horyaal ku darsadaan in dhallinyaradaas habowday la doono, dibna loogu soo celiyo ummadda inteeda kale ee islaamka ah.
3 ka mid ah 5ta qaybood ee dawladda ayaa la taagay, waxayna kala yihiin Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana su'aashaydii qoraalkii hore team-kii la rabay ka dhiman Golaha fulin-ta oo ah Ra'iisalwasaaraha iyo Wasiirrada, kuwaas oo la rajaynayo in ay iyaguna noqdaan wajiyo cusub oo aan aqoontooda iyo kartidooda aanay ka hoosayn madax-da sare ee lagu guuleystay, waxna kuma jabna haddii qaar hore u jiray xul loo arko. Sidii roon Allahayoow.
DADWEYNOOW AAN WAX KU DARRO FARXADDA IYO TAHNIYADDA BADAN EE AAN U DIRRAY MADAXWEYNAHA
Haddii aynaan hareermarin runta, team-ka 1aad ee dal-jira ee kasta ka dhismo ama ka dumo waa shacabka, sababtoo ah dawladi waa shacabka. Sidaas waxaan ku rumasankarraa madaxda sare ee aan doorannay iyo kuwa aan xulan-doono waxay ka yimaadeen ama ka imanayaan dadweynaha, markay hawlgalaanna waxay u
adeegayaan waa dadweynaha. Sidaas awgeed, marba haddii dawladdu ay dadka tahay, (from the people, to the people, by the people) aan ficil iyo farsamo ku darro farxadda iyo tahniyadaha badan ee aan u dirray Madaxweynaha iyo madaxda kale, una diri-doonno inta dhiman, insha Allaah.
Markii shacabku kaalintiisa gabo waa waxii innabaday in aan noqonno dab-dhagax lagu dhuftay iyo haad geed waayey, ayna innaga raacday khasaarihii, halaaggii iyo aafooyinkii ugu xumaa ee intaan adduunka ku noolayn inna soo maray, waxayna ahaayee ceqaabo Eebbe oo la rabay in aan ku waano qaadanno, iyo in aan garaw-sano in innagu gacmaheenna ku shaqaysannay wixii dhacay, kana toobadkeenno oo u noqonno Allaah.
Haddaba, haddii ay run innaga tahay dhammbaallada aan sida farxadda leh ugu direynno Madaxweynaha cusub, ayna run innaga tahay in aan dawlad doon nahay, ay run innaga tahay in aan ka baxno silica iyo rafaadka deriska innala noq-day, aan xilka weyn ee innasaaran ka shacab ahaan ka soo dhalaallo, una muujinno madaxdeenna taageero muruq, maal iyo maskax ah, si ay iyaguna ugu dhiirradaan in ay nafta u huraan habsami u fulinta waajibaadka aan ka sugeynno.
Haddii aynaan hagar la'aan ula shaqayn dawladda Federaalka ah, Maamul Goboleedyada jira iyo kuwa iman doona, bixinta cashuurta sagsaagno, waan ka raamo seegeynaa, waxaana dib u casumaynaa wixii aan u soo joognay 22kii sano ee ugu dambeeyey, Beesha Caalamka oo aan aad isugu dallayna si fiican baan
u kala haajiraynaa, mana jirto cid u adkaysan karta (IJIID AAN KU JIIDEE), sideen-na. Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ah, lana wadaaga Ummadda Soomaaliyeed farxadda iyo dhambaallo bogaadin ah oo dalkeenna la isaga diro kuwii ugu badnaa, uguna mudnaa, waxaan kuugu darayaa duco badan, waxaana kuugu ducaynayaa
Allaah (SWT) ha kuu fududeeyo, sahlo, kuguna garabgalo xilka buuraha ka culus ee garbaha lagu saaray, mana kugu cuslaanaayo xilkaasi haddii qalbigaagu nadiif ya-yahay, jeceshahay in aad Allaah naxariistiisa ugu dhowaato in aad ummaddaada dhan walba ka liidata wax u qabato, iimaan buuxa leedahay, aadna u aaminsantahay
sinnaanta, caddaaladda, midnimada iyo xejinta ammaanada, aqoonta aad leedahay- na ku kala hagto mudnaanta baahiyaha aan xisaabta lahayn ee jira, insha Allaah.
Waxaan u bogay, kuguna bogaadinayaa 2 qodob oo muhiimad leh oo aad u bandhi-gtay xubno ka mid ah beesha caalamka markii isugu kiin horraysay, waxayna kala ahaayeen:
1. dhismaha iyo tayeynta ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaliya, iyo in qodobkaasi yahay mudnaanta 1aad, 2aad iyo 3aad. Mudane qodobkaas waad aseebtay, maxaa yeelay haddii aan nabadi jirin, shaqo, nolol, horuumar, aayatiin iyo dawladnimo ma jiraayaan.
Waxaase su'aali ka iman doontaa xaggee laga helayaa dhallinyaro ciidan ku ha-boon oo aanay saamayn belaayadii hore u dhacday? Dhallinyaro asluub leh oo heegan u ah tababar adag, dishibiliin baran kara, aamin ah, sirta ciidanka xejin kara, amarka qaadan kara, waajib-gudan kara, leh qiiro waddaninimo, u debec sanaan kara naf-hurid, qorraxda, roobka, dhaxanta, gaajada, oonka, subaaca deris la noqon kara, arki kara, maqli kara oo dili kara intaan isaga la arag, la maqlin, lana dilin, shaqo adag oo kastana adkaysigeeda yeelan kara?
Dhallinyarada noocaas ah waxaa innoogu dhow in laga xulo ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo jaamacadaha, waxaana qabaa in ardaydaas laga soo dhex saari karo askar, saraakiisha dhexe iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidammada.
2. in aad si geesinimo leh u go'aansatay baabi'inta habka qabyaaladda ku dhisan ee wax lagu qaybsado, laguna beddelo in Soomaaliya wax ku qaybsato aqoon, dad nimo, karti iyo shaqo hufnaan, aamiin insha Allaah. Labadaas qodob ee uu hoosta ka xarriiqay, carrabkana aad ugu adkeeyey Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa 2 qodob oo dal iyo dadba dhuux, nolol iyo jiritaan u noqon kara, haddii dawladdu aragtidaas heerka qaran
ah ku shaqaynayso, innaguna noqonno baalashii ay ku duuleysay iyo lugihii ay isku taageeysay, insha Allaah.
* Mudane Madaxweyne, ma kuu sheegaa wax badan oo aad aqoon iyo aragti fog u leedahay ayna ka mid yihiin, in aad la tashato cid kasta oo aad ku tebayso aqoon dheeraad ah, daacadnimo iyo in aad yoolbaarka ka biloowdo 24kii musharax ee tartankii madaxnimada kugula jiray, ee soo bandhigay barnaamijyadooda aqoon iyo
waxqabad, si aad u kala ogaato kii dalka gurmad, badbaadin iyo naf-hurid u yimid, diyaarna u ah in uu xil iyo xil la'aanba ugu adeegayo dalka iyo dadka, iskaa wax u qabsona meel kasta kaga shaqaynayo, iyo midka hadduu madaxweyne waayey dib ugu noqonaya meelihii uu hore uga yimi?
Mudane Madaxweyne, waa suuragal in aad raggaas musharaxiinta ahaa ka dhex-hesho in badan oo buuxin kara xubnaha dawladda ka dhiman, sida Ra'iisal Wasaare, Wasiirro, Wasiir-Kuxigeenno, Wasiiru dawle, Agaasimayaal Guud, Maareeyeyaal guud, lataliyeyaal iwm, waxaana uga golleeyahay, marba haddii dadkeennii dibadaha u bateen, iyagoo badiba loogu kala yeero qaxooti iyo ceeyr, dalkiina aan laga maarmi karin oo qof waliba dib u soo jalleecayo, sinaba uga maarmikarin qof kasta oo soo noqda, gaar ahaan ragga iyo gabdhaha aqoonta sare iyo waayo aragnimada ehelka u ah.
HABBOONAAN LAHAYD?
* in dawladdu dhaqso u hesho dhaqaale xoog leh oo u qalma in wax laga qabto daruu-faha qallafsan ee badan, culayskana saarto in aan hello 50 -100 billion dollar, dayn iyo deeqba, maxaa yeelay wax kasta oo dalkaan jiritaankiisii iyo noloshiisii lagu soo noolayn karo waxay ka bilaabanaysaa 0 ka hoos. Beesha Caalamka oo sanooyin wax innala tukubinaysay ilaa heerkaan aan dawlad ku dhisanaynona inna soo gaarsiisay waa in ay suuragal ka dhigto in aan hello dhaqaale lagu hawlgeli karo si ay wax u kala dhaqaaqaan, naguna dhiirrigeliyaan in aan lugaheenna isku taagno. Ha ogaadeen Beesha Caalam-ku in aan aad u kala garanayno sokeeyaha hantida badan leh oo dhabarka noosoo jeedi-yey, indhahana nagaqabsaday mudadii dheereeyd ee ay masiibada adduun sida weyn noogu foorortay, halka shisheeyihii naga fogaa noosoo gurmadeen. Midda kale hodon baan nahay, abaalna waan gudi karraa, waxaana heer kasta oo ay amaahi-gaarto (deyn) ku bixin doonnaa khayraadka ceegaaga Soomaaliya bad iyo berri, insha Allaah, waxaana ku daynbaxaynnaa mooska, macdanta, petroolka, xoolaha, luubaanta iyo kalluunka markii miyirku innagu soo noqdo oo aan garanno in ay wax kasta ka wanaagsantahay in aan shaqaysanno, muruqeenna iyo maskaxdeenana maallo.
1 sidoo kale in burcad badeedda iyo kuwa berrigaba dib loo meeleeyo, wacyigelina lala gaaro.
2 in la iska xilsaaro in qaxootiga dalka dib loogu soo celiyo meel kasta oo ay joogaan, maxaa yeelay dalkii dad la'aan buu ku dhowyahay, iyagana dhibaatooyin waaweyn ayaa ka haysta dibadaha.
3 in ummaddii walaalaha ahayd ee jahligu kalal ambiyey dawladdu ugu yaboohdo dib u heshiin, iyo wacyigelin, lana helo maxkamado u kala celiya hantidii ay kala dhaceen, si joogto ahna ugu kala garqaada, iyadoo si caddaalad ah loogu dhaqmayo shareecada islaamka iyo dastuurka aan samaysannay.
4 in dhaqso loo abaabulo, lana dhiso maamul goboleedyada si nadaamka Federaalku dalka uga hirgalo, looga baxo jahajahaynta iyo wareerka, dhaqsona u soo noqoto kalsoonidii iyo walaalnimadii ummadda ka jirraday, dhaqtarkana loogu waayey.
5 in dhibaatada shacabka gobollada ka haysata biyo la'aanta wax laga qabto.
6 in horey looga sii tabaabushaysto abaaraha badiba lala kulmo.
7 in jidadka gobollada isku xira ee 22 sano waxba laga qaban la dayactiro.
8 in dawladda Federaalka iyo Dawlad-Goboleedyadu aad isaga wada xilsaaraan ku shaqaynta nadaamka dawlad-wanaagga, lana soo celiyo dishibiliinkii iyo borotokool-
kii dawladi lahaan jirtay, xaalad deg-deg ah la soo rogo, har iyo habeen la shaqeeyo illeen (HURDO INNOOMA EKEE), intaan ka boogo-dhayaneyno
9 in la cayriyo hororrada dalkeenna doolka ku yimid, badeheenna xaalufiyey, qan-daraasyadana ku qaatay in ay xeebaheenna ku duugaan khashinka sunta kiimikada, (nuclear-ka).
10 in Raasikambooni ilaa Seylac oo xeebaheenna ah laga hirgeliyo 20 - 30 Warshadaha Kalluunka ah, si dadkeenna maruun looga haqabtiro shaqo la'aanta la degtay.
11 in hagar la'aan aan ugu gurmanno dadkeenna iyo xoolaheenna miyiga, kana badbaadinno cudurrada, biyo iyo baad la'aanta ay la taahayaan, dhulkana idilkiis miro ku beeranno, kuna heesno, hawlbaa horuumar leh.
12 in aan hanbo kala harro webiyada iyo togagga xareedda ah ee badaha ku shuba, lana abuuro (balliyo iyo biyo-xireenno).
13 in carruurta iyo hooyooyinka aafooyinkii dhacay agoonta ku noqday, aadkana u dayacmay la urursho, lana daryeelo, gobol kastana looga sameeyo xarumo nolol iyo waxbarasho leh, intii la maalgeliyona dadkaa ugu mudan.
14 in Safaaradaheenna muraayaddii la innaga daawanjiray ahaa muhiimadda ay inoo leeyihiin la siiyo, si dhaqso lehna loo dayactiro diblomaasiyiinta aadka u ildaran iyo dhismayaasha laga naxo markay ishaadu qabato.
15 100 sano dhowaad ayaa shacabka Soomaaliyeed dhegahooda ku soo dhacaysay betrool iyo macdan kala duwan ayaa Soomaaliya ka buuxa, welina waxba ma haynno ee (ma dameer malab-sidaan nahay)?
16 cudur, cayrnimo, waalli, asluub xumo, iimaandarro, khashin iwm ayaan ka dhaxa-lay QAADKA maalinwalba ka yimaada Kenya iyo Ethopia, waxaana maalinwalba ku bixinnaa 500.000 dollar, waxaana dhaqaalaheenna dhaafsannay dhibaatooyin-kaas kor ku xusan, marka miyaanay innala gudboonayn in aan ka qaadannno
tallaabo isbadbaadin ah?
17 Mudane Madaxweyne, mar haddii mas'uulka dalka ugu sarreeya uu Madaxweynaha dawladda Feraalka yahay, qalad ayaan u arkaa in madaxda dawlad goboleedyada loogu yeero Madaxweyne, halkii uu ka noqon lahaa Guddoomiye Maamul Goboleed (State Governor) ee yaan middaasna loo daymo la'aan.
18 Mudane Madaxweyne, Ugu dambaystii waxaan kaa codsanayaa in aad xal waara u hesho masiibada dilka ah ee saxafiyiinta ka haysata Muqdisho, waxaana ila wanaagsan in la qarameeyo, lana mideeyo iyaga iyo agabkooda warbaahi-need, tayo loo yeelo, kuna badbaadaan xayndaabka dawladda, waxaana waajib ah
in ay saxaafaddu meel kasta oo ay joogto dalkooda si xilkasnimo leh ugu shaqeey-aan, waana in ay kala ogaadaan in dhaliisha qaawan ee runta ka fog ay wax dumiso, dib u dhac iyo aamindarrona horseed u tahay. Midda kale, hore ayaa loo yiri (WAX LA CUNO IYO WAR BAA LAGU NOOLYAHAY) sidaas darteed, dawladaha iyo bulshada adduunku sinaba ugama maarmaan wararka iyo faallooyinka saxaafaddu tebiso, waxayna qayb weyn oo muuqata ka qaadataa dhismaha dalka, war iyo wacyigelinta ummadda iyo buuxinta kaalintooda. Intii dheeraad ku ah miisaaniyadda dawladda la waayimaayo meelo lagu jaheeyo, shaqo iyo waxbarashoba, dhakhtarna uma qorin in ay warfidiyeenno wada ahaa-daan.
Wabbillaahi Tawfiiq
W.Q Muuse Xaaji (Abees)
Email: abees11@yahoo.com Minneapolis (USA)
|