 QM oo ugu baaqday Kenya in laga hortago khaasaraha soo gaaraya shacabka Jubuuyinka
Last update 20-09-12Kenya ka dalbatay in la yareeyo qasaaraha ka soo gaaraya Rayidka dagaalada ka socda Jubbooyinka.
Agaasimaha howlaha bani’aadaninimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Mark Bowden ayaa ugu baaqay dowalada Kenya in ay masuuliyeedada qaadaan sidii loo yareenalahaa qasaarada soo gaareysa shacabka ku dhaqan gobolada Jubooyinka..
Mudane Yuusuf Xaaji ayaa dhinaciisa u sheegay wakiilka howlaha bani’aadaninimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Mark Bowden in dowlada Kenya ay si weyn uga taxadari doonto sidii ay u ilaalin lahaayeen badbaadada iyo in aysan dhibaato soo gaarin dadka rayidka.
Mr. Bowden oo magaalada Nairobi kula kulamay wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya mudane Yuusuf Xaaji, waxeyna masuuliyiintaasi ka wadahadleen sidii looga hortagi lahaa in qasaaro soo gaaro dadka rayidka ee ku sugan goobaha lagu dagaalamayo ee gobolka Jubooyinka, isla markaana aysan wax danbiyo dagaal ah uga dhalan howlagalada Kenya.
Mark Bowden ayaa sidoo kale dhinacyada ku dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ogolaadaan sidoo gargaar bini’aadamino loola gaari lahaa dadka ku dhibaataysan Soomaaliya ee ku sugan goobaha lagu dagaalamyo.
|