 ka Bixida Shabaab ee Kismaayo oo laga cabsiqabo in dib u kiciso dagaalo sokeeye.
Last update 21-09-12Ka xoreenta Al-shabab ee Kismaayo iyo markale dagaal sokeeye Col: Barre Aadan Shirre Hiiraale Vs Gen:Morgan.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegaya in maanta lagu wado in deegaanada u dhaxeeya Afmadow iyo Kismaayo uu gaari doono Col: Barre Aadan Shirre Hiiraale oo horay uga talin jiray Magaalada Kismaayo inta u dhaxaysay 1999-kii ilaa 2006-dii.
Sida wararku nagu soo gaarayaan imaatinka maanta Barre Hiiraale gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan inuu doonayo ka qeyb qaadashada loolanka adag ee loogu jiro hanashada Magaalo Xeebeedka Kismaayo.
Col: Barre Aadan Shirre Hiiraale ayaa xoog ku qabsaday Magaalada Kismaayo intii u dhaxeysay sanadkii 1999-kii ilaa 2006-dii, Asagoo gacan ka helayay ciidamo beeleedka beesha Hawiye wuxuuna hadda rabaa inuu saldhig ka dhigto Magaalada Kismaayo haddii ay dhacdo inay la wareegaan Ciidamada Kinya iyo Somalida.
Si kastaba ha ahaatee dadka daraaseeya Arrimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa ka cabsi qaba in magaalada Kismaayo haddii ay gaaraan Ciidamada Huwanta ah ay dhici karaan inay dib uga qarxaan dagaalo beeleedyo, maadaama magaalada ay ku nool yihiin Beelo fara badan oo kala duwan. |