Menu
banner 3d

Beesha Daarood ha garowsadaan in Hawiy horey loo dulmay!!

Last update 19-10-12

Madaxwayne Hassen ayaa dhawaan kulan uu kula yeeshay villa soomaaliya madax dhaqameeka iyo siyaasiin ka soo jeeda beesha Hawiye. Madawayne Hassen waxa uu uu madax dhaqameedka&siyaasiinta beelaha hawiye u soo jeediyey, fikir ay beesha hawiye qaarkeed aad ulla yaabeen.Madaxwayne Hassen ayaa waxa uu madax dhaqmeedka iyo siyaasiinta beesha hawiye, ku timaamay kuwa ay ka dhaceen qaladaad loo baahan yahay in maanta laga bilaabo la saxo, qaladaadkaas oo uu ku timaamay sidaan:-

a) Beesha daarood waa in ay garawsadaan in ay beesha hawiye horey u dulmeen, oo ay ayagu sabab u ahaayeen dagaalkii sokeeye iyo waxii dhibaato ah oo kadib dhacay, maaha in aad ku deg degtaan, haddii aad madax dhaqamedkii iyo siyaasiintii hawiye tahiin, in aad garoowshiiyo iyo magdhaw bixisaan adinkoon ka fiirsan, dhibka ka imaan karaya.qaladkaas waa in la saxaa!!!

b) Dhulka soomaaliyeed intiisa badan waxaa lahaa oo horey looga fara maroojiyeye Hawiye iyo Dir, waa in aad midaas ogsoonaatan oo aad maanka ku haysaan, marka ay timaado in ummadda soomaaliyeed waxii hanti ma guurto ah, oo la kala dhacay laga hadlo. Tusaale waxaa idiinku filan xiligii ay majeerteenku ku soo duuleen dhulka hawiye oo ay mareexaanka uga tageen gobolka galgaduud., sidaasna galgaduud daarood wax ugu yeeshay. xiligaas ka hor waxaa beesha Dir ay daarooku ka soo kiciyeen dhulka ay maanta ku taalo magaalada Bossaso iyo soomaali galbeed oo Ogaadeenku hadda dego.

c) Madaxwayne Hassen waxa uu odayaasha beelaha hawiye ku tilmaamay kuwo kaalintoodii gabay waayihii hore, haddase illaa xiligii kacdoonka hawiye ama aan iraahde xiligii usc doorkooda ciyaaray.Waxaa hadda la idiinka baahan yahay, waxaad hawiye maanta soo gaarsiiseen meel aan ka noqosho lahayn, waxaa idiin dhiman in aad gobolada jubooyinka qayb wayn hawiye u soo dhicisaan.

d) Madaxwayne Hassen waxa uu ka dhawaajiyey, waxii hanti ma guurta oo ay sheeganayaan beesha daarood, in ay dawladu ku talla jirto arin maxkamada u taala, waayo maaha arin siyaasadeed ee waa hanti la isku haysto, waxii hatiya oo la isku haystana garsoorka ayaa iska leh, mana aha arin dawlada u yaala, in ay ayadu xukunto ama fikir ka dhiibato.

e) Madaxwayne Hassen waxa uu madax dhaqameedka iyo siyaasiinta Hawiye ugu mahad celiyey, sida xil kasnimada leh ee ay ulla qaateen goáanka uu ka gaaray soomaaliland. (( goáankaas lama garan garanayo xiliga la qaatay, oo akhristow waxba kama aan sheegi karaayo)).Intaas waxa uu ku daray in aan cidna loo joogin doonin, si kasta oo ay u dhibaatayso dawlada aan madaxwaynaha ka ahay, waxanan isku af garaynay masuuliinta soomaaliland in aan dhawaan la soo xariiri doono, marka aan arimo hadda jiro meel soo saaro.

Akhristow xogtaan waxaa laga helay dad goobjoog ahaa villa soomaaliya iyo shirkaasi xiligii uu dhacayey, kuwaasi oo qaarkood sheegeen in aan madaxwayna looga fadhin in uu arimaha soomaaliyeed xal u heli doono……mid ka mid ah siyaasiinta hawiye ayaa ku tilmaamay madaxwaynaha nin aan asagu is maqlin, hase yeeshee cid kale ka dhex hadalyso, waxa uu intaas raaciyey----maaha in ay beelaha hawiye qaar ka mid ah dhulka iyo hantida ay boobka ku haystaan, in ay qaranimada ka doortaan – madaxwaynuhu maahayn in uu cadaalad darada dhiiri galiyo iyo in aan arimha soomaaliyeed xal waara loo helin….siyaasigaan hawiye ayaa odayaasha qaarkood ku yiri:-Anigu caruurtaydu qurbaha ma aadin, waan u diiday oo wadankooda ayaan u door biday, maanta laga bilaabayse waxaan u dirsanayaa yurub iyo Amerika – mar haddii hawiye qaranimo ay ka doorteen qabiil mutuxan iyo in aan soomaaliya dib danbe loo arag…..waxa kale oo uu intaas raaciyey hawiyow waa is mahadiseen, waxaanse idiin sheegaya:- fikirka aad halkaan isugu keenteen in aan ummadda soomaaliyeed isgu imaan doonin – akhirkana ay halis tahay in wadankaan uu cadow gacatiis ku danbeeyo!!!!.

Wabilaahi towfiiq

M.Yusuf ( Raad-haye)


Mahda Naq Balaaran Somali channel Minnesota USA
PL oo cadeysay mowqifkeeda shirka Taleex iyo Baaqii Isimada Dhulbahaante
Gaas iyo wafdigiisii oo duhurkii soo gaaray degmada Jiriiban
Barre Buluf, Samigiis Barre Hiraale Iyo Garta Jubaland
Gudoomiye xigeenka Baarla, SL Baashe oo caddeeyey arimihii la tuhinsanaa ee Khaatumo
Wakiilka QM oo daboolka ka qaaday in DF aqoonsantahay maamulka 3da Gobol Ee Koofur Galbeed
Danjire Afey oo ka digay ciqaabka ka dhalankara carqaladeynta Xasiloonida Jubaland
Wadaad xumow maxaa dumarka xubintooda taranka kaa soo galay?
M/weyna C/wali iyo wafdigiisii oo Gaaray Bali busle
Dhageyso: Bare Hiiraale oo ku gacan seyray hindisihii R/Wasare C/wali