Menu
banner 3d

Maellshiyo beeleedyadii bur buriyay Soomaaliya iyo Qab qablayaashoodii oo boorka iska jafaya.

Last update 06-06-12

Warbaahinta caalamiga ah ee allidamaale ayaa waxaa soo gaaray warar hoose oo sheegay in ay dib isu habeyn iyo diyaar garow hoose ay wadaan maleeshiyo beeleedyadii in muda ah laga reystay iyo qab qablayaashoodii shacabka koonfurta Soomaaliya dhibaatada badan ku hayay mudada ka badan 20-ka sano, bur buriyayna dalka Soomaaliya.

Waxa durba soo if baxaya kolkii degmo ama magaalo xoogaga Shabaab ay kala wareegaan ciidamada Amisom in ay daba socdaan maleeshiyo beeleedyo loo xoreeyay deegaankaasi iyo qab qablahoodi oo durba la wareegaya gacan ku heynta deegaankaasi.

Magaalooyinka ilaa iyo hada ay la wareegeen gacan ku heynteeda kooxaha maleeshiyaadka ah ayaa waxaa ka mid ah:

Degmada Deyniile, Degmada Kaaraan ee Muqdisho,Yaaqshiid, Boondheere,Ex koontarool iyo Warshadii hore ee Baastada, Ceelasha Biyaha, Afgooye, Baydhabo, Baladxaawo,Afmadow iyo Baladweyne.

Dhamaan deegaanadaasi ayaa waxaa iminka gacanta ku haya oo la wareegay gabi ahaanba kooxhii Shabaab ka hor ka talinayay, kuwaas oo in muda ah ay shacabka Soomaaliyeed ka nasteen dhibaatadii ay ku hayeen dadweeynaha.

Iminkana waxaa si xowli ah usocda diyaar garoowga ay ugu jiraan Qab qablayaashii dagaalka in ay la wareegaan goobaha kale ee dhawaan laga yaabo in ay gacanta Shabaab ka baxdo, waxaan maagalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kasocda rakibka iyo hagaajinta gaadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo isku duwuista maleeshiyaadka mooryaanta ah ee u diyaarsan dhibaateynta maatada.

Allidamaale, Muqdisho


C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Xafladii C/wali lagusoo dhaweynayay oo iminka lasoo xiray
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"
Somaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmark soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan