Menu
banner 3d

Dagaal ka qarxay lahaanshaha guri dadkii lahaa lagu dhex xabaalay ayaa ka dhacay Muqdisho.

Last update 19-06-12

Ciidmado ka wada tirsan kuwa DFKMG ayaa maantay dagaal uu ku dhexmaray Warshadii hore ee Caanaha ee kutaal degmada Hodan magaalada Muqdisho,kadib markuu ka dhex qaraxay labo kooxood oo ciidanka dowlada ah muran ku aadan kala boobka lahaanshaha guri ku yalaa xaafadaasi.

Gurigaan lagu muran sanyahay ayaa dadka deegaanka ay sheegeen in ay leeyihiin dad 91-kii lagu dilay isla gurigaas xiligii dadka aan u dhalan Muqdisho lagu xasuuqayay magaaladatan, isla markaana ku dhex xaabaalan isla guriga.

Iska horimaadkaan ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 2-maleshiiyaad oo mid ka mid ahi uu ahaa ciidankii dagaalamayay, halka dhawaacuna uu yahay ilaa 4-qofood oo lagu sheegay in ahaayeen dad rayid ah.

Koox ka tirsan ciidamada DFKMG oo horey ugu habsatay gurigaan ayaa xilgaas ayagoo ku sugan giriga waxaa weerar kadis ah ku soo qaaday koox kale oo hiillo ugu yimid nin sheegta gurigaas inuu dhaxal u helay maadama uu mudo badan ku noolaa isaga iyo familkiisa, balse ay ka qaxeen xiligii ay magaalada MUqdisho soo galeen ciidamadii Ethiopoia, xiligaas oo ay u qaxeen ceelasha biyaha.

Diryaanka hubka kala duwan iyo dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlayay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, tasoo cebsi galisay dadka dagan xaafadaha ku hareereysan goobta lagu dagaalamay.

Arinkaan ayaan aheyn mid ku cusub dadka Muqdisho, maadama ay guryo iyo hanti badan oo ku yaala Muqdisho si xoog ah looga heysto dadkii lahaa ee ka cararay xiligii dagaalada sokeeye ay ka holcayeen Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, ayadoo qaar ka mid ah hantidaas dadkii lahaa lagu dilay laguna xabaalay isla guryahoodii si ay san dib danbe u sheegan.

Dhibaatada ugu ba'an ee xiligaan ka taagan Muqdisho ayaa ah isku qab qabsiga guriyihii horey looga dhacay dadkii horey u dagaan Caasimada MUqdisho ee ka cararay,waxaana guryahaas qaar ka mid ah ay marayaan gacantii labaad oo isku hesta kadib markey kooxihii horey u heystay markooda ka carareen xiligii EHtiopia ay soo gashay Muqdisho, isla markaasna ay ku habsadeen kuwo horleh oo iyana sheegta.

Allidamaale, Muqdish


C/laahi Xuseen oo DF ku dhaliilay qaabka ay u maareysay dib-lumaasiyiinta Somalia
Xiriirka Federaalka & SL oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka SL oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland
Xafladii C/wali lagusoo dhaweynayay oo iminka lasoo xiray
Dr.Farolle "Jubaland hadii la diido, dowladana waa la diidi"
Somaliland oo walaac ka muujisay hadalkii M/weyne Xasan
(Sawiro) R/wasaarahii Hore ee Somalia Mudane C/wali oo Danmark soo gaaray
M/weyne Xasan oo dib u soo nooleyay Dagaal oogayaashii
Daawo: C/llahi Sheekh" Hajoojiiyo Xasan Sh. Hadalada caadifada ah"
Somali lawmakers sign motion against premier
Naxdin iyo Qaracan: Tahriibayal Somaliya oo sucuudiyin jir dilayaan