Menu
banner 3d

Dowlada PL oo ku dhawaaqday in cidii qof aan la diwaan galin ka kireeya guri tilaabo adag laga qaadayo

Last update 19-06-12

Ciidamada amniga gobolka Bari oo galabtay shirjaraaid ku qabtay xarunta bileyska magaalada Boosaaso ayaa soo saaray sharic cusub oo mamnuucaya in qof aan la garaneyn laga kireeyo guryaha gobolka Bari.

Taliyaha bileyska gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke iyo saraakisha gobolka ayaa sheegay in dadka gobolka ay had iyo goor ka kireeyaan guryaha iyo hoteelada magaalada Boosaaso iyo nawaaxiged dad aysan diwaan galin,isla markaana aysan waxba ka aqoon waxa yihiin iyo wax ay u yimaadeen gobolka.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka guryaha kireysta qaarkood markey kireystaan hadana dajiya dadkale oo aan haba yaraatee la aqoon waxa ay yihiin, ayadoo qaarkood dadkaasi ay qeyb ka yihiin dhibaateynta amniga,sidaas daraadeedna tilaabo adag laga qaadyo dadka Hoteelada iyo guryaha leh hadii dadka ay ka kireeyeen amniga wax u dhimaan.

Taliyaha ayaa ugu danbeyn u baaqay shacabka reer Puntland in ay ka foojignaadaan arimaha ceynkaas oo kale ah, oo ay wada shaqeyn fiican la yeeshaan laamaha amniga si loo hubiyo dadkaas inta aysan geysan fal amniga wax u dhimi kara.

Muxiyadiin Boosaaso

Allidamaale@hotmail.com


Tartan caafimaadka oo lagu soo gabagabeeyay machadka Gaalkacyo.
Dhagar Qabe Xildhibaan Xoosh
Video: Boqashadii C/wali ee Danmark
Banaanbaxa lagu taageerey Xukuumada oo lagasoo abaabulay Filla Muqdisho
Wafdi DF ay u soo dirtay kismayo oo maanta ka warbixyey arimaha juboyinka
Xildhibaan Cabdi barre oo eedayn kulul u jeediyay madxada DFS
Daawo warbixin ay KTN ka diyaarisya Kismaayo
Xog: Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo xilka Iska casilay,Waa maxay sababtu?
Ciidanka DDS ee Itoobiya iyo Alshabaab oo uu dagaal cusub u biloowday
Garoowe oo lagu xukumay gacan ku dhiiglayaal ay xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee PL