 Shirka London oo maanta bilowdey iyo Khaatumo oo ku qanacsan maqnaashaha
Puntland
Last update 20-06-12Shirkii u dhexeeyey Dowlada KMG ah iyo Maamulka Soomaaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmey Magaalada London, kasoo looga wada hadlayo Midnimada Soomaaliya, Puntland oo horey u cadeysey in Midnimada Soomaaliya ay lama taabtaan tahay ayaa shirka ka maqan, ilaa hadana kama aysan hadlin Dowlada Puntland.
Nin Dublamaasi ah oo la hadley Puntlandi.com ayaa noo sheegey in Puntland ay ka aamuseen shirka London isagoo taas ku sifeeyey iney jiraan xiriir hoose oo dhexmarey Puntland iyo TFG, lakiin dhinaca kale Khaatumo ayaa iyana u muuqda ineyba ku qanacsan yihiin sida shirku u socdo.
Nin Dublamaasi ah oo aan wax ka waydiiney sababta ay Reer khaatumo uga aamuseen shirkaan wuxuu yiri ” Khaatumo waxaay u muuqdaan iney iyagu waxwalba u fududeynayaan Soomaaliland, sababtoo ah markii lamagacaaabey Labadii xubnood ee Dowlada Puntland uga qayb gali lahaa shirkii London, qolodii ugu horeysey ee qaylada bilaabay Khaatumey ahaayeen, waxaana xaqiiq ah in Hadii shirka ay joogi lahaayeen Ilka jiir iyo Da’uud inuusan jireen walwal laga qabi lahayn Midnimada Soomaaliya iyo shirka London.
Ninkaan Dublamaasiga ah ee u waramey Puntlandi.com oo naga codsadey inaan qarino magaciisa wuxu yiri isagoo hadalka sii wata “Puntland hada shirka walwal kama qabto sababtoo ah waxaan aaminsanahay iney wali si wayn ugu lug leeyihiin oo wax kala socdaan, taasaana keentey iney ka aamudaan”.
Xigasho Puntlandi. |
|